Yemen: Xabaasha Madaxweyne Yaasha – Saddex Madaxweyne Oo Is Xigay Ayaa La Khaarajiyey

32
3480

Sanca (Geeska)- Madaxweyneyaasha soo maray dalka Yemen dhammaantood waxa ay ku dambeeyeen in la dilo. Intii ay jirtay Jamhuuriyadda Carbeed ee Yemen, waxaa soo maray saddex madaxweyne oo xilka isaga dambeeyey, waxa ay ahaayeen Ibraahiim Alxamdi, Axmed Alqashmi oo ah madaxweynihii ka dambeeyey iyo Cali Cabdalla Saalix oo ah madaxweynihii ugu dambeeyey intii ay jamhuuriyadda Yemen dhisnayd.
Ibraahiim Alxamdi
Ibraahiim Alxamdi oo dhashay sannadkii 1943 kii waxa waxa uu dalka Madaxweyne ka ahaa saddex sano oo u dhexeeyey bishii Lixaad 13 keedii 1974 kii illaa 11kii Oktaabar 1977 kii oo ahayd maalintii isaga iyo walaalkii la khaarajiyey. Iyada oo illaa hadda aan xog fiican laga hayn sababta dilkaas iyo cidda dhab ahaan shirqoolkaas ka dambaysay.
Madaxweyne Alxamdi oo uu aabihii ahaa garsoore, waxa waxbarashadii sare galay kuliyadda barashada duuliyenimada, laakiin ma’ uu dhamaysan, inta uu waxbarashadii ka tegey ayaa uu bilaabay in uu aabihii shaqada maxkamadda ka caawiyo. Madaxweynihii Yemen ee lagu magacaabi jiray Cabdallaah Salaal ayaa Alaxmadi u magacaabay taliyaha ciidamo kamandoos ahaa oo lagu magacaabi jiray ‘Danab’ haddana waa uu sii dallacsiiyey oo waxa uu madax uga dhigay goballada galbeedka, bariga iyo badhtamaha Yemen, sannadkii 1972 kii ayaa uu mar kale kor u sii socday oo uu noqday raysalwasaare ku xigeenka Yemen, isla markaana ah u qaybsanaha arrimaha gudaha, kadib waxaa loo magacaabay kuxigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabak sida.
13kii bishii Juun 1974 kii ayaa uu Ibraahiim Alxamdi afgembi ku qabsaday talada dalka Yemen, afgembigaas oo uu ku xukunka kaga tuuray madaxweyne Cabdaraxmaan Al-Eryaani ayaa uu ku magacaabay kacdoon lagu saxayo nidaamka dawladnimo ee dalka Yemenm waxa aanu talada hayey illaa markii la dilayey, oo ah taariikhda aynu kor ku soo xusnay.
Axmed Alqamshi
Markii madaxweyne Alaxmadi geeriyooday waxaa talada madaxweynenimo ee dalka Yemen qabtay Xuseen Alqamshi, laakiin markii uu sannad keliya hayey ayaa isagana lagu dilay qarax bambaane loogu qariyey shandad loo sii dhigay xafiiska taliska guud ee ciidamada oo uu tegeyey 24kii Juun 1978 kii.
Markii uu dhintay Alqamshi waxaa la magacaabay guddo madaxtooyo oo uu madax u ahaa Cabdalkariim Cabdallah oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, waxa kale oo guddida ka mid ahaa Cali Shaybat, Cabdalcasiis CAbdalqani iyo Cali Cabdalla Saalax. 17kii Juun 1978 kii ayaa golaha shacabku uu cod aqlabiyad ah ku doortay in Cali Cabdalla Saalax uu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda Yemen.
Cali Cabdalla Saalix
Isniintii dorraad ee ay bisha Laba iyo Tobnaad 4 ahayd ayaa la dilay madaxweyne Saalax oo sannadkii 2012 ka xilka ka degey kadib markii kacdoon dadweyne oo dalkiisa ka dhacay ay sababeen dagaallo sokeeye oo aakhirkii keenay xal nabadeed isaga ku qasbay in uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa hadda madaxweynaha ah Cabdirabbi Mansuur Alhaadi.
Xuutiyiinta oo ay Saalix xulafo ahaayeen muddo laakiin uu khilaaf xooggani soo dhexgalay maalmihii u dambeeyey ayaa jid gooyo u galay mar uu ku sii socday tuulaha uu u dhashay ee Sanxaan ee koonfurta magaalada caasimadda ah ee Sanca, halkaas ayaana ay ku khaarajiyeen isaga iyo masuuliyiin kale oo la socotay.
Waxa uu sidaas madaxweyne Cali Cabdalla Saalix ku noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee la khaarajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here