Xukuumadda Somaliland Oo Si Rasmi Ah Saddex Shirkadood Ugu Wareejisay Wershada Sibidhka Berbera

0
578

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay wershadii sibidhka Berbera ku wareejisay saddex shirkadood oo kala ah Dahab Shiil Group, shirkad dalka Kuwait laga leeyahay iyo shirkadda Berbera Group, waxaanay la baxeen magaca Red Sea. Sidaas waxa ku dhawaaqay wasiirada ganacsiga iyo wershadaha Dr. Cumar Shucayb iyo Shucayb Maxamed Muuse.

Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Cumar Shucayb oo saxaafadda kula hadlay kulan ay isugu yimaadeen saddexda shirkadood, wuxuu yidhi “Waxaanu halkan ku qabanay shirkan jaraa’id oo nuxurkiisu yahay bushaaro fiican oo ah in shirkadihii sibidhka ee saddexda shirkadood ahaa ee kala ah Kuwait, shirkadda Dahab Shiil iyo shirkadda Berbera Group ay halkan horteena wada fadhiyaan, guddigaasi waxay isla soo waafaqeen in wershadii sibidhka sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo.” ayuu yidhi Wasiirku isagoo intaas raaciyay “Laga bilaabo maantana xukuumad ahaan waxaanu umadda meel kasta oo ay joogaan ugu bushaaraynaynaa inay bilaabmayso hawshu oo shirkaduhu soo dhameeyeen wixii qabyo ka ahaa.”

Wasiirka wershadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa isna sheegay inay shirkadahani ku bahoobeen magaca ah Red Sea, waxaanu dadka ugu baaqay in la garab istaago oo la soo dhaweeyo.

Guddoomiyaha iyo mulkiilaha shirkadda Dahab Shiil Maxamed Siciid Ducaale oo isna ku hadlayay magaca saddexda shirkadood ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in hadda la bilaabayo hawshii wershadda sibidhka Berbera oo muddo soo jiitantay “Si dhaqso ah waxaan rajaynayaa in hawshaasi u dhaqaaqi doonto, Alle mahadii maanta ayuu Alle ka dhigay in hawshaasi lagu heshiiyay, magacaas qudha ee Red Sea ayaana lala baxay.” ayuu yidhi ganacsade Dahab Shiil.

Xukuumadda iyo shirkadahan midna ma sheegin saamiyada saddexda shirkadood ay kala leeyihiin.