Xukuumadda Oo Ka Hadashay Cabashada Ganacsatada Ee Dalka ee shirkadda DP World

0
942

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay cabashada ay ganacsatada Somaliland ka gudbiyeen shirkadda DP world ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyay maamulka dekedda Berbera.

Wasiirka ganacsiga Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Geeska Afrika u waramay iyo badhasaabka gobalka Saaxil Jaamac Yuusuf oo BBC u waramay ayaa ka hadlay arrintan. Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Khilaafkii ka dhex dhacay Shirkada DP World iyo Ganacstada, waa lagu jiraa hawshiisii oo xal ayaa loo raadinayaa, labadoodaba, waanu aragnay, mid walba waanu dhegaysanay, muhiimaduna waxay ahayd in khilaafkaas aanu xalino, waana xalinay, haddana Dekaddu wey shaqeeynaysaa”.

Wasiirka Ganacsiga mar uu ka hadlaayey dhoofka Xoolaha ayaa yidhi “Dekadda Berbera, waxa ka dhoofay, xoolo aad iyo aad u tiro badan, waxaana filaynaa haddii ALLE yidhaah in maalmaha soo socdana ay ka dhoofaan xoolaha aad u badan, Xukuumad ahaana hadafkaygu wuxuu yahay in madaama Xoolaheenu yihiin lambarteena dhaqaale, waxaynu ku dadaalaynaa inaynu balaadhiino dhoofka xoolaheena, waxaana xaqiiqo ah in caafimaadka xoolaheenu la hubo, oo la talaalo, taas oo waliba maxjarka la sii mariyo”.

Badhasaabka gobalka Saaxil ayaa isna yidhi "DP World laguma wareejin ee waa laga kireeyay dawladuna waa ay ku jirtaa oo ka madax ayay tahay iyadaana gacanta ku haysa, dekeduna waa dekedeenii waana wax inoo soo kordhaaya intay DP World noo timi Berbera boqolkiiba sagaashan dhaqaalahayagu sare ayuu u kacay, cabashada ganacsataduna waa ay jirtaa oo ha jirtee, waa la xalin karaa oo imika saddexdii cisho ee ugu danbaysay xalay markabkii ugu weynaa ayaa la soo xidhay, kii WFP ee raashinka Itoobiya u siday waa uu xidhan yahay gawaadhidii Itoobiya waa ay wada baxeen oo raashinkii waa ay qaadeen, xalay oo ugu danbaysay maraakiibta xoolaha ee soo xidhatay saddex markab iyo sadex doonyood ayay ahaayeen."

Jaamac Yuusuf oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Kuwa koontaynarada xalay oo ugu danbaysay waxa la soo xidhay kii ugu weynaa oo 570 koontiinar siday ayaa la soo xidhay imikadan hadaad tagto waa uu degayaa, sideedii ayay ku soo noqtay waanay kala socotaa, mar mar hakad ayaa wax gali karaan oo qalabka ayaa xumaan kara laakiin waan saxaynaa insha allaah waxii xumaada intaas ay DP World timi ganacsatadii waxbaa u kordhay oo waxa yimi intaas oo shirkadood oo daba socda."