Xisbiga UCID Oo Wasiir-xigeenka Amniga Ku Eedeeyay Falkii Berbera Ka Dhacay

0
692

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa canbaareeyay dilkii iyo dhaawicii habeen hore ka dhacay magaaladda Berbera, waxaanay ugu baaqeen xukuumadda inay talaabo ka qaado dadka ku eedaysnaa isku dayga dil ee haddana dhibaatooyinka kale gaystay.

Sida oo kale xisbiga Ucid waxa ay ugu baaqeen wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor inuu sharaxaad ka bixiyo xidhiidhka ka dhaxeeya ninkii hore ugu eedaysnaa rasaasaynta Xildhibaan Qabiile,  oo lagu magacaabo Tabaarik Maxamed Ducaale, waxaanay xukuumadda u soo jeediyeen inay wax ka qabto arimaha dhanka amniga la xidhiidha.

Waxa sidan uu xisbiga Ucid ku sheegay shir jaraa’id oo ay kula hadleen warbaahinta, waxaana  ugu horayntii halkaas ka hadlay ku simaha xoghayaha guud ee xibiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxaan hadaladiisa ka mid ahaa“Marka hore waxaanu halkan ka tacsiyadaynaynaa Ehelada marxuumadii ku dhimatay falkii shalay ka dhacay magaalada Berbera, ninka hadda dhaawaca ahna waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu ilaahay caafimaad siiyo, Maxamed Faarax Qabile waa xildhibaanka kaliya ee aanu ku leenahay xisbiga Ucid ee ka hadhay xubnihii 21-ka ahaa ee uu xisbiga Ucid ku lahaa golaha wakiilada, arintaas maanta lagula kacay qoyskiisana aad ayaan uga xunahay waanan canbaaraynaynaa cidii falkaas gaysatayna waxaanu leenahay waa in waajibka sharciga ah la mariyaa, waxaynu ogayn in mar hore lagula kacay isku day dil toogasho ah oo cidda hada gaysatay falka ka dhacay Berbera ay gaysatay  si gobonimo ahna wuu ka yeelay oo waa kii sii daayey, waxa nasiib darro ah inay arintii mar labaad soo noqoto oo qofkii falka gaystay hadana qoyskii xildhibaanka kula kaco mid kale,taas ayaa ah mid laga xumaado oo laga gil gisho  taasna waanu canbaaraynayaa sida sharcigu dhigayana waa in maxkamad la keenaa oo danbigaas uu galay  lagu qaado.”

Cabdinaasir Qodax oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxa kale oo ayaan daro ah in ninka falka gaystay uu watay gaadhigii wasiir ku xigeenka amniga qaranka  oo xil wayn ka haya dawlada, taasina waa mid laga xumaado, wasiirkaasna waxaanu leenahay adigay arintaasi ku fadhidaaye waa inaad dhinac iskaga qaadaa, waxa ninkaas danbiilaha ah u geeyey gaadhigaaga waa wax loo baahan yahay in cadaynteedii la helo, dadweynaha gobolka Saaxilna gaar ahaana dadweynaha reer Berbera waxaanu leenahay nabad galyada ilaaliya  wixii khal khal wadanka galinayana aynu ka feejignaadaan.”

Marwo Faadumo Siciid ayaa iyaduna dhankeeda waxa ay ka hadashay falkaas iyada oo dhaliilo dhanka amniga ah u soo jeedisay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanayo, waxaan hadaladeeda ka mida ahaa “Falkaas ka dhacay magaalada Berbera markii loo soo sheegay  waxa uu ahaa mid aad nooga nixiyey,  gabadhii  nasiib darada ku dhimatay ee xabada xaq darada ahi dishay oo aanay  galabsan iyada oo nolol maalmeedkeedii wadatay  waxaanan ilaahay uga rajaynaynaa inuu janadii fardawsa ku casuumo eheladeedana uu samir iyo iimaan ka siiyo, wiilka uu dhalay xildhibaan Maxamed Qabile iyo ehelkiisa oo dhan waxaan leeyahay aad ayaan uga xunahay waxaas mar labaad idinku soo noqday, waxa cajaa,ib ah  oo aanu mar labaad la yaabanahay isaga oo xildhibaan Qabile maalintii lagu qaaday falkii lagu dili gaadhay ku eedeeyey wasiir ku xigeenka amniga  kuna tilmaamay mid falkaas lagu dili gaadhay lug ku lahaa,  maantana isla ninkii uu wato gaadhigii wasiir ku xigeenka amniga isaga oo falkii sameeyey, waxaanan jecelnahay inuu wasiirka amnigu cadeeyo waxa ninkan gaadhigiisa u geeyey  waxa dawlada looga fadhiyaa inay cadayso  waxa ninkan oo fal hore sameeyey ilaa hada uu u hubaysan yahay.”

 Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi“Waxaanu u haysanaa in magaalada Berbera la wada joogay madaxdiina ay dhamayd waxa loo tagayna waxay ahayd in ergooyinkii  Kulmiye lagu qasbo oo sanka lagaga tolo  reer Saaxil inay kaga qayb galaan, ka tolistii hadday  noqotay markii ay diideen in dadkii xabad lala dhex galo waxaanu leenahay falkaasi waa mid aad u fool xun , dawladana waxaanu uga fadhinaa inay sheegto sababta rasaastaas  loo riday, falalkan dhacayaa maaha kuwii koowaad  waa wax taxane ah oo aanu garan waynay sababta ay dawladu wax uga qaban wayday waxaynu ogayn sidii Hubaal loo galay, Haatuf ayeynu arkaynaa, xildhibaan Qabile ayeynu ogayn, Maxamed Kaahin ayeynu ogayn maxay dawladu wax uga qaban wayday, Somaliland miyaanay iyagu khusayn.”