Xisbiga KULMIYE Oo Shalay Dib U Dhigay Shirweyinihii Xisbiga

47
972

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa ku dhawaaqay in ay dib udhigeen shirweynihii xisbigaas oo ay ahayd inuu maanta qabsoomo. Guddidii xisbigu u saaray qabanqaabada shirkaas oo ka soo doogay khilaafkii u dhaxeeyay ayaa ku dhawaaqay inay qabashadii shirka u ra’reen 21/1/2014-ka.

Sida oo kale guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo guddidaas ka barbar hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wakhtiga cusub ee dub loogu riixay shir weynaha KULMIYE.

Ugu horayn gudoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE Abubakar Xaamud Jibriil oo ka hadlaya dib u dhaca ku yimi shirweynaha xisbiga ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu furanay shirkii guddida qaban qaabada, qabsoomidii shirweynaha oo mudadiisii hoosta naga soo gashay darteed waxaanu go’aan ku gaadhnay  in 21/1/2014  uu qabsoomo shirweynihii xisbiga Kulmiye.”

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna  la hadlay warbaahinta  ayaa guddida uga mahad celiyey wakhtiga ay u qabteen qabsoomida shirweynaha xisbiga waxaanu yidhi “Aad ayaan ugu mahad naqayaa guddida qaban qaabada shirweynaha oo ilaa shalay dedaalaysay oo isku yimid samaystayna  qorshayaashii ay ku shaqayn lahaayeen iyo guddoomiyayaashoodii, waynu daahnay, waana qasab inuu dib u dhaco shirka intaas miisaanka ah leh sababo badan awgeed.Waxaan aanu idiinka mahad naqayaa inaad keenteen wakhti ku haboon 21/01/2014  waana mudo dhaw marka la eego hawsha idiin taala oo ah hawl badan, sida kalana way  dheer tahay oo waa mudo dheer hase yeeshee,  waxaanu idinku raacaynaa taas, waxa inoo go’aan ah inaynu  shirka xisbiga qabano wakhtigaas,  qabanqaabada shirkuna idinka ayey idinku dhacaysaa waxaanan jecelnahay inay  cid waliba gacan idinku siiso  sidii aad u gudan  lahayd waajibaadka idin saran, waana shir weyn oo ay iskugu imanayaan dad badan, waanan idiin ducaynayaa dadka reer Kulmiye-na  ee walaacsanaana waxaan leeyahay hawshii way dhamaatay.”

 

Comments are closed.