Xildhibaan Siciid Cartan Oo Talooyin U Soo Jeediyey Wasiirka Warfaafinta Iyo 24-ka Weriye

49
3557

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa tallo hawada u mariyay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo shaqaalaha wasaaradaas ee dhawaan la xayiray.

Xildhibaan Cartan oo u waramay shalay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo arrimo kale. Ugu horayn isagoo ka hadlaya arrimaha warfaafinta wuxuu yidhi  “Wariyayaashu waxay ka tirsan yihiin Wasaaradda Warfaafinta, waxaana dhab ah in Wasaaradda Warfaafintu ay leedahay nidaam, xeerar iyo sharci,arintana waa arin u gaar ah oo khuseeysa Wasaaradda, kolay anigu ma qabo inuu Wasiirku dulmi ku kacaayo, sababtoo ah waa nin weyn, oo masuul ah ee Wasiirkana waxaan ka codsanayaa inuu mar kale arintan hoos u eego, Wariyayaashana waxaan ka codsanayaa inay iyana sharciga iyo kala dambaynta Wasaaradda ilaaliyaan, oo Masuuliyiintooda ka dambeeyaan”

Isagoo ka hadlaya hadalkii ka soo yeedhay dawladda Somalioya wuxuu yidhi “Tan iyo 1991, Somaliland waxay ahayd dal xoriyadiisa, nidaamkiisa iyo haykalkiisa sharciyeed sameeystay,amaan buuxa oo ALLE sukadii shacabkiisi sameeystana wey ka jirtaa, dawladda Xamarna Afgooye iyo Balcad ma xukunto, ninka Raysal-wasaaraha Xamar ee ka hanjabaya waxaan leeyahay adiga ayey ciidan ku ilaalinayaan, oo kugu hayaan meesha, ilaa haddana wax nidaam ah, wax sharciya iyo wax kala dambayn ah oo ka jirta Somaliya ma jirto, ee Raysal-wasaaraha Somaliya waxaan leeyahay waxba indha dadkaaga ha iskaga jeedin Somaliland, oo in yarna aanad ka xukumin, hadalada aan macnaha lahayn ee aad ka jeedisay garoonka aadan caddena, wax cilmiya iyo macno ah oo ku fadhiyaan ma jiro, waxaana wax aad looga xishoodo ah in nin aan si wanaagsan gacanta ugu hayn Muqdisho, waana ayaan daro inuu inoo soo hanjabo inagoo isku jirna 1800 km, hadalkiisana waxaanu u aragnaa inuu yahay dab damis”.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya ayaa yidhi “Wada hadalada loo balansan yahay wax macno leh oo aan u arkaa ma jirto, waana iska madadaalo, in badan Somaliland iyo Somaliya wey wada hadleen, waana la kulmay wax midho iyo macno leh oo ka soo baxayna ma jiraan,haddana waa la kulmi doonaa, Xamarna intay aamisan tahay inay wali Somaliland ka talinayaan oo muus iyo canbe ayaa nooga taga, oo fikridii ay aaminsan yihiin markii xoriyada la qaatay, waa caqli daradaas, Somaliya haddii lala shiro wax micno leh oo ka soo baxayaa ma jirto, markaas haddii ALLE ka dhigo siday wax u dhacaan weynu eegi doonaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here