Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Ay Ka Gaabisay Wax- Ka-Qabashada Qiimo-Dhaca Shilinka

32
1612

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa ka hadlay sicir bararka baahsan ee dalka ka jira iyo qiimaha sarifka ee sare u kacsan, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu doorkii looga baahnaa inay wax kaga qabato ay ka gaabisay, halka uu tilmaamay in Baanka Dhexe uu ka gaabiyey inuu qiimaha sarifka xadido.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo u waramayay  Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Golaha Wakiilada, hankiisa Musharaxnimo ee xilka Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, loolanka Xisbiyada, iyo kaadh qaadashada ka socota Gobolada Sool iyo Sanaag.

waxaanu ugu horeyn uu yidhi, isagoo ka hadlaya sicir bararka “Dalka waxa ka talisa Xukuumad, wax walba oo soo kordhana inay Xukuumaddu waajibkeeda ka gudato ayaa haboon, waxaana xaqiiqo ah in sicir bararku uu in muddo ahba jiray, oo uu culays ku hayo dadkii danyarta ahaa, iyadoo waliba guud ahaan uu taabtay qaybaha kala duwan ee Bulshada, haba ugu sii darnaadaan dadka danyarta ahiye. Xukuumadduna aad bay uga gaabisay inay wax ka qabato sicir bararka iyo waliba qiimaha sarifka ee sare u kacay, Ganacstaduna waa ka qayb sicir bararka dalka ka jira, oo maceeshadii ayey qaali ka dhigeen, markaas iyadoo aynu ka war qabno in xilli kala guura ah  lagu jiro, haddana waxaan ku baaqi lahaa in marka ay naga soo dhammaato kaadh qaadashadu, in la isaga yimaado sicir bararka aafada inagu noqday, si aynu xal ugu helno”.

Mar uu ka hadlaayey qiimaha sarifka ayaa uu yidhi “Lacagteenii wey qiimo beeshay, oo wey qiimo dhacday, waxa loo baahnaa in ahmiyadda iyo muhiimadda kowaad siino isticmaalka lacagteena, balse lacago qalaad ayeynu ka doorbidnay, maantana waa taas oo waxaynu arkaynaa in qiimihii sarrifka ee lacagta doolarku halkay marayso, waxa loo baahnaa in Baanka Dhexe uu isagu doorkiisa qaato, oo uu xakameeyo qiimaha sarifka, balse taasi may dhicin, oo wuu ka gaabiyey Baanka Dhexe inuu jaan-gooyo qiimaha sarifka, dhab ahaana muhiimaddu maaha in Baanku suuqa ku  sii daayo lacag badan oo kaash ah, ee waa inuu la yimaaddaa qorshe iyo siyaasad uu wax kaga qaban karo qiimaha sarrifka ee saldhigan la’”

Xildhibaan Axmed Ducaale maruu ka hadlaayey khilaafka Golihiisa ka jira ayaa yidhi “Anigu waxaan leeyahay xaalada ha la dejiyo, Goluhuna waa inuu xal gaadhaa, arinka Shir guddoonka iyo khilaafka jira ee ka dhashay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waa in xal laga gaadhaa, waana in la ilaaliyaa Golaha, midnimadiisa iyo jiritaankiisaba, Goluhuna inuu naga burburo dooni mayno”.

Xildhibaan Axmed Ducaale mar uu ka hadlaayey hankiisa murashaxnimo ee Guddoomiyaha kowaad ee Wakiilada ayaa yidhi,  “Waxaan ka mid ahaa Raggii u sharraxnaa xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada, sidii ayey musharaxnimadaydu u jirtaa, laakiin waa tii khilaaf soo kala dhex galay Golaha, khilaafkaas ayaanu xallinaynaa marka hore, marka aanu khilaafkaas iska xallino ee aanu dhammayno, ayaa wixii ka dambeeya la galayaa Doorashada Guddoomiye ku xigeenka kowaad”.

Mar uu ka hadlaayey loolanka Xisbiyada waxa uu yidhi,  “Wali lama gaadhin wakhtigii ololaha, Xisbiyadana waxa u haboon inay sugaan wakhtiga ololaha, imikana waa inay ka mid  noqdaan wacyigelinta kaadh qaadashada, waana inay ku eekadaan Xafiisyadooda ay ka furayaan Deegaanada ay hadba marayaan,oo furashada Xafiisyada looma taag helo, oo dadkaaba ku odhanaya Xafiisyo noo fur, markaas waxaan ku boorin lahaa Xisbiyadu inay joojiyaan dhaliilaha ay warbaahinta isku marinayaan”.

Xildhibaan Axmed Ducaale mar uu ka hadlaayey kaadh qaadashada ka socota Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa yidhi “Hawshii kaadh qaadashadu si wacan bay u socotaa, imika Saraar baan jooga, si aad u wanaagsanaa dadku wey u qaadanayaan Kaadhka Doorashada, waliba si xawliya oo aad u wanaagsan ayey u qaadanayaan”.

 

Comments are closed.