Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Iscasilay

0
631

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo hore uga tirsanaa Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hargeysa ayaa iska casilay Xilkii uu ka hayay Golahaasi, ka dib markii xukun dil ah lagu riday. Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa muddo hadda laga joogo Sannad waxa uu magaaladda Hargeysa ku dilay ALLE  ha u naxariistee Marxuum Cabdirashiid Aadan Warsame (Cabdirashiid Dheere), waxaana Maxakamada Gobolka oo dhagaystay dacwadiisu ay ku xukuntay dil. Haddaba Warqad iscasilaada oo ka soo baxday Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir shalay, oo uu ku socodsiiyay maayarka Hargeysa,  ayaa waxa ay u dhignayd sidan  “Saaxiibeyaal Maanta (Shalay) oo ay Taariikhdu tahay 10.05.2014, Waxa aan halkan idiinku soo gudbinayaa is-casilaadii xubinimo ee aan u hayay Qaranka Somaliland maadaama aanan maanta wax hawl ah aanan idinla wadi Karin., Sidaas darteed laga bilaabo maanta waad buuxsan kartaan xubintaydii aan ka hayay golaha deegaanka Caasimada sida sharciga waafaqsan|”.  Kaalinta uu baneeyay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa waxa lagu wadaa in uu soo buuxiyo Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Afqalooc oo isagu ku soo xigay murashaxiintii ay ka soo wada baxeen urur siyaasadeedkii Hadhay ee UMADDA.