Xildhibaan Dhaadheere Iyo Garaad Abshir Saalax Oo Ku Geeriyooday Ingiriska Iyo Sweden

0
423

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariste waxa shalay dalalk Ingiriiska iyo Sweden ku geeriyooday Marxuum Garaad Abshir Saalax iyo xildhibaan Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ka tirsanaa golaha wakiilada.

Marxuum Garaad Abshir Saalax, ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Sweden oo uu muddo xanuun u jiifay, halka uu xildhibaan Dhaadheere isna ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray, wuxuu tacsi ugu diray qoyska iyo umadda uu ka geeriyooday xildhibaan Dhaadheere, waxaanu Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.