Xildhibaan Cartan Oo Ka Hadlay Abaarta Adag Ee Dalka Ka Taagan Iyo Waxyaabaha Keeni Kara

0
738

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada abaareed ee sii adkaynaysa, waxaanu sheegay in abaartu tahay imtixaan, oo ILLAAHAY ku imtaxaanayo dadkiisa marka ay gef iyo khibaar la yimaadaan, waxaanu ku taliyey in ILLAAHAY loo noqdo, oo dambi dhaaf la weydiisto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya iyo sicir bararka wali taagan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya abaarta“Abaartu wey dhacdaa, waana wax dhici jiray, laakiin dadku siday u dhaqmaan, in la is weydiiyo qudheedu waa muhiim, dadku marka ay nimcada haystaan ay nimcada qiimeeyn wayaan, oo ay kibraan, ILLAAHAY uu arkayaa, waanu ka abaalmarinayaa, waxaana tusaale ka soo qaadanayaa Gobolka Sanaag, oo aan anigu ahay Xildhibaan ka soo jeeda, dadka oo nimco wanaagsan ku nool oo ay xoolo leeyihiin, oo dhul balaadhan haystaan, ayaa haddana dhulkii oo ka badan isku dileen kibir daraadeed oo ay deegaano isku qabsadeen, oo dad ku laayeen, oo lagu dhintay, dhul balaadhan bay lahaayeen, Geel badan, Adhi badan, Lo’ badan, bay lahaayeen, halkii  ay ugu shugri naqi lahaayeen ILLAAHAY, ayey yidhaahdeen ceelkan aniga kaliya yeelanaya iyo aniga kaligay yeelanaya, may dhihin ILLAAHAY baa ceelkan iyo nimcadan ina siiye aynu nabad ku wada noolano, marka aynu inagu is ixtiraamno, iskuna naxariisano ILLAAHAYNA uu inoo naxariisanyaa, balse markay dhiig daadiyeen, ee dhibaato dhacday,  ILLAAHAY nimcadiisa uu ka joojinayaa, waana lagu imtaxaanaya, abaar xun baa socota ILLAAHAY ha inaga qaboojiyo, oo xumaanta aynu dhexdeena ka wadno waa shardi inaynu joojino  haddii aynu doonayno in nimcada ILLAAHAY inoo timaado”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan mar uu ka hadlaayey Sicir bararka iyo qiimaha sarifka ayaa yidhi “ Inta aan ka war hayo waxa jira qorshe lagu xakamaynayo Sicir bararka oo ay Dawladdu waday, oo ay ahayd inay wax ka qabato, waxaana filayaa in wali qorshahaasi socdo, markaas waxaan rajaynayaa in wax laga qaban doono”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan mar uu ka hadlaayey Dawladda Somaliya ayaa yidhi “Somaliya waxaan u rajaynaynaa in  ILLAAHAY dhibta ka saaro, inagu xaasid kuma nihin, waanu u ducaynaynaa, Madaxweynahan cusub ee ay doorteena inuu wax la qabto ayaanu rajaynaynaa, Somaliya waxa u haboon in midnimadan ay isku qufushay inay iska jabiyaan,  iyagoo maskax furana inay ixtiraaman Somaliland, madaama dadka reer Somaliland tashadeen, markaas Madaxweynaha cusub ee Somaliya inuu marka hore xaliyo Xamar ayaa loo baahan, inta aanu isku qaad-qaadin meelo kale”.