Xikmadda Googooska: Wax Ha Laguu Sheego Ee Maankaaga La Kaasho

342
50975

Hargeysa (Geeska)- Qisaska ku xusan kutubta lagu ururiyo dhacdooyinkii taariikhihii dhexe ee Carabta, waxaa ku qoran qiso aad u xiise badan marka hoos loogu daadago xikmadda xeesha dheer ee ku jirta. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaashiisa la wadaagayaa qisadaas oo uu afka hooyo u rogay.

Gabayaa caan ahaa oo u dhashay dalka Ciraaq, laguna magacaabi jiray Camar Bin Almubaarak ayaa laga soo wariyey in maalin maalmaha ka mid ah uu arkay gabayaagii kale ee Kalthuum Bin Camar Alcutaybi oo khubus ku dhex cunaaya shaarac magaalada Baqdaad ah.

Cumar Alwarraaq oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa aad ula yaabay ninkan caanka ku ah dhaqanka iyo suugaanta ee jidka dhexdiisa cuntada ku cunaya. Waxa uu ahaa dhaqan xilligaas aad u foolxun. Camar Alwarraaq inta uu u soo dhowaaday saaxiibkii Kalthuum ayaa uu ku yidhi, “Waar hooge, miyaa aanad dadka ka xishoonayn?!” Laakiin Kalthuum isma uu dhibin ee si fudud oo xikmad badan laga dhuuxayo ayaa uu saaxiibkii ugu jawaabay, “Ka warran haddii halkan aynu joognaa ay tahay meel lo’ keliyi ku nooshahay. Miyaa aad ka xishoon lahayd in aad wax ku dhex cunto, lo’da oo ku arkaysa?!” Camar oo ka yaabban sababta uu saaxiibkii dadkan oo dhan xoolaha ugu sheegay ayaa su’aashaas ka jawaabay oo yidhi, “Maya”

Kalthuum oo arka yaabka saaxiibkii ka muuqda ayaa ku yidhi, “Haddaba ii yara sabir, si aan kuu tuso in dadkan suuqa ka buuxa ee aad leedahay ka xishood ay lo’ yihiin”

Kalthuum inta uu istaagay ayaa isaga oo cod dheer ku hadlaya uu jidkii wacdi ka dhex bilaabay. Dad aad u badan oo kuwii jidka marayey iyo dadkii suuqa joogay ah ayaa isugu soo baxay in ay wacdiga fiican ee Sheekha soo dhegeystaan. Kalthuum markii uu hubsaday in dadka ku soo ururay aad u badan yihiin, ayaa uu wacdigii ku soo dhexdaray ereyadan, “Waxaa la inoo soo wariyey, in qofka uu carrabkiisu gaadho dulka sankiisa aanu naarta gelayn. Hadalkii oo aan kaba soo wada dhammaan afka Kalthuum ayaa dadkii oo dhami ay carrabka la tiigsadeen dulalka sankooda. Si mid kastaa uu u hubiyo bal in uu carrabkiisa sanka gaadhsiin karo. Markii xaal halkaa marayo ayaa Kalthuum inta uu ku soo jeestay saaxiibkii Camar waxa uu ku yidhi, “Miyaanan kuu sheegin in ay lo’ yihiin?”

Xikmadda ugu weyn ee qormadan ku jirtaa waa in aynu fahanno in wax kasta oo la inoo sheego aanaynu run u qaadan. Waana halka ay Soomaalidu ka tidhaahdo, wax ha lagu baro ee maankaaga kasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here