Xidhiidh Baa Ka Dhexeeya Hooyada Uurka Leh Oo Dawooyinka Asiidha Caloosha Loo Isticmaalo Cunta Iyo Cudurka Xiiqda Oo Carruurta Ku Dhaca

26
4013

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo dib u eegis ku samaysay cilmibaadhiso hore iyo shaybaadho lagu sameeyey dumar xilligii uurka isticmaali  jiray dawooyinka Gaasta caloosha loo isticmaalo (Gaastari) ayaa tilmaamaya in ay isa soo tatarayso suurtagalnimada in carruurta ay uurka ku sidaan ay qaadi doonaan cudurka xiiqda, marka la barbar dhigo ubadka aanay hooyadood dawooyinkan isticmaalin intii ay caloosha ku jireen.

Joornaalka Pediatrics oo natiijada daraasaddan faafiyey ayaa sheegay in shanti dumara ee uur leh ee kastaba ay mid ka mid ahi isku aragto asiidh (Gaastari), iyo in biyo kulul iyo cuntadii oo caloosheeda ka soo noqonaysaa marmar dib ugu soo noqonayso hunguriga, xaaladdaas oo loo yaqaanno ‘Acid reflux’ Dr. Hua Hao Shen, oo ka tirsan jaamacada Zhejiang ee dalka China ayaa isaga oo ka hadlaya natiijada daraasaddan muujisay khatarta dawooyinka asiidhka caloosha lagu dejiyaa ku keeni karaan ilmaha uurka ku jira waxa uu ka digay, “Dumarka uurka leh oo dhami, waa in ay ka digtoonaadaan isticmaalka dawooyinka lidka asiidhka”

In kasta oo aanay daraasaddani kama dambays u ahayni n xidhiidh uu ka dhexeeyo dawadan iyo xiiqda carruurta, oo laga yaabo in weli loo baahan yahay baadhitaanno iyo hubsiimo dheeraad ah, haddana waxa ay khubaradu isku raaceen in maadaama oo ay daraasaddani itaal kasta oo ay leedahayba isku xidhay labadan xaaladood, ay waajib dhinaca akhlaaqada ah ku noqonayso in ay iska ilaaliso dawadan, iyo in ay sida oo kale ka taxaddarto guud ahaanba dawooyinka ay isticmaalayso xilligan, haddii aanay jirin baahi ka fursan waa ah, oo weliba dhakhtar takhasus ku ah hooyada iyo dhallaanku fasaxay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here