Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Ku Baaqday In Xeerka Saxaafadda Loo Raaco Dacwadda Wargeyska Haatuf

Published on May 01 2014 // Warar

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa ku baaqday in dacwadda loo haysto madaxda wargeyska Haatuf loo raaco xeerka saxaafadda oo aan loo adeegsan xeerka ciqaabta.

Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay afhayeenka xaruntaas Ms. Mulaaxo Maxamed Cali, ayaa ku baaqday in xayiraadda laga qaado Wargeyska Haatuf, waxaanu qoraalkaas xaruntu u dhignaa sidan:

“Waxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka baafisay war-baahinta gudoomiyaha iyo tafatiraha wargayska xayiran ee Haatuf. Qoraalka Maxkamadda ee la baahiyay wuxuu sheegay in dacwad ciqaab ah oo ay ku eedaysan yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Haatuf, iyo Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, ay hortaal Maxkamadda. Dacwadaas oo ay ku eedaysan yihiin qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta. Dacwadani waxay ka danbaysay kadib markii la xayiray wargeyska Haatuf 7th April 2014. 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay in saxaafadda loo adeegsado Xeerka Ciqaabta iyada oo la baalmarayo Xeerka Saxaafadda, Xeer Lr. 27/2004.

 Saxaafaddu waxay leedahay xeer u gaar ah oo maamula saxaafadda. Mana aha in lagu qaado saxaafadda xeer kale iyada oo uu dhaqangal yahay xeerkii saxaafaddu. Xeerka Ciqaabta waxa la sameeyey 1962dii. Sida ku cad qodobka 130(5) ee dastuurka, Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore ee aan ka hor imanayn xuquuqaadka iyo xoriyaadka asaasiga ah. Sidaasdarteed, maadaama oo qodobada Xeerka Ciqaabtu ay yihiin kuwo aan la jaan qaadi karin xoriyaadka aasaasiga ah, waxay tahay in loo raaco dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Xeerka Saxaafadda.

 Xoriyadda saxaafadu waa mid dastuurku damanad qaaday sida ku cad qodobobka 32 (3) oo reebaya fal kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda. Xeerka Saxaafaddu waa xeer gaar ah oo ka leh mudnaan xeerka guud.

Sidaasdarteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:

In dacwadda loo haysto gudoomiyaha iyo tafatiraha wargeyska Haatuf loo raaco Xeerka Saxaafadda

In xayiraadda laga qaado wargeyska Haatuf”

 

muruqb\ 5uu(?i HJ? idii ay Soomaalidu u noqon lahaayeen quwad ka dhex muuqata Afrika isla markaana hiigsata wadamada jiitay. Aragtidaas ayaanu ku foognaa ilaa ay milatarigu af-gambiyeen 1969kii isaga oo ra’iisal-wasaare ah kana dhigeen maxbuus. 

 

Sidaas kuma uu galbane, amarka Ilaahay, mar kale ayuu Cigaal dib u soo kabtay innagana ina kabay. 1993-kii ayuu majaraha u qabtay Somaliland. Waa wakhti ay dalka iyo dadkuba baaba’ ahaayeen, sharciga iyo kala-dambayntu gebi ahaan lumeen, caydh iyo colaadana geyiga aafeeyeen. Wuxu qabtay shaqo ay quwadaha adduunka iyo bulshada caalamku 23 sanno ka qaban kari la’ yihiin Soomaaliya. Dadkiisii ayuu jiheeyey wuxuna ku guuleystay in uu hub-ka-dhigis ku sameeyo maleeshiyaadkii is hor fadhiyey iyo daydaygii laga tallaabsan kari waayey ee qoriga ku qadhaabanayey. Wuxu dhisay hay’adihii qaranka ee meesha ka baxay sida booliska, ciidanka qaranka, ciidanka asluubta, garsoorka, wasaaradaha iyo wakaaladaha kale ee fulinta. Wuxu soo daabacay kana shaqaysiiyey lacag Somaliland u gaar ah iyo baasaboor, wuxuna diyaariyey dastuur casriyeeyey Somaliland oo afti dadweyne lagu ansixiyey. Sidoo kale wuxu seeska dhigay nidaamka dimuqraadiga ah ee asxaabta badan isagoo yagleeyey curadkii xisbiyada- UDUB. Iyadoo aan la dafirayn shaqooyinkii ay qabteen madaxdii ka horeysay iyo kuwa ka dambeeyeyba, waxa la odhan karnaa guulaha muuqda ee uu qarankeenu maanta ku faano badankooda Madaxweyne Cigaal baa horseeday amaba dhidibada u taagay. Ku darsoo dhaqaale uu isagu lahaa oo kaga baaba’ay mooyee hanti uu inaga urursaday lama sheegin.        

Sidaas oo ay tahay marxuumku muu helin maamuuskii uu mudnaa. Haddii aan la ilduufeyn ama aan la dafireyn Cigaal wuxu dunida ka mudnaa Nobel Peace Prize. Abaal-marinta calamiga ahi haba dambaysee waxa muuqata in aanay weli dadkiisa iyo dalkiisu siinin maamuuskii ku habboonaa marka laga reebo Madaxweyne Rayaale oo ugu magac daray Madaarka Hargeysa, taas oo ahayd tallaabo wanaagsan balse aan ku filayn. Ilaa hadda si dhammeystiran looma qorin taariikh-nololeedkiisii iyo raadkii uu ka tagey. Xus-sanadeedka loo sameeyaa hoos ayuu u sii shiiqayaa sannadba sannadka ka dambeeya waxanad moodaa in uu muddooyinkii dambe ku soo ururay xayndaabka qoyskiisa. Intaas waxa ka daran werwer laga qabo ilaa heerka ay jiilka cusubi ku baraarugsan yihiin taariikhdiisa. 

Haddii aad booqato Kiiniya waxad arkaysa sida loo buunbuuniyey loona jecel yahay Jomo Kenyatta oo ahaa hoggaamiyihii halgankii xorriyadda iyo madaxweynihii koowaad ee Kiiniya. Meeshii aad martaba magaciisa ayaa lagu xardhay- Kenyatta Airport, Kenyatta Hospital, Kenyatta University, Kenyatta Library, Kenyatta Park, Kenyatta Conference Centre…lacagtoodana noodh walba wuu ku sawiran yahay. Nin Kiiniyaan ah ayaan weydiiyey “miyeydaan lahayn geesi kale maxaad meel walba Kenyatta ugu bixiseen?” Wuxu iigu jawaabay in ay geesiyadoodu badan yihiin laakiin Jomo Kenyatta uu yahay geesiga la isku wada raacsan yahay. Aniguna waxan aaminsanahay in uu Cigaal yahay geesi ay dadka Somaililand isku raacsan yihiin.

 

Ugu dambayn, si aynu waxtarkii Cigaal u maamuusno, qarankeena iyo qoyskii uu ka tagayna ay sharaf ugu noqoto, waxay ila tahay in ugu yaraan lacagta Somaliland lagu soo sawiro, buug-taariikheedkiisa la qoro, manhajka dugsiyadeena lagu daro, xus-sanadeedkiisuna noqdo maalin qaranku leeyahay. Geesiyadii shalay oo aynu xusnaa waxay dhiirigelin u tahay geesiyada maanta iyo kuwa berito.

Wa Billaahi Tawfiiq

mustafekhaire@gmail.com

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!