Xanuunnada Ku Dhaca Qanjidhka Dhuunta Ee Tayroodh, Dhibaatada Uu Sababo Iyo Cuntooyinka U Fiican (Q. 2)

28
3931

London (Geeska)- Maadaama oo uu qanjidhka Taraydh kaalin muhiim ah ka qaato shaqada xubno badan oo jidhka ka mid ah, gaabiskiisuna dhibaato keeno waxaa muhiim ah in qofku uu muhiimad siiyo caafimaadka qanjidhka Tayroodhka. Qormadan uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa noocyo ka mid ah cuntooyinka oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay u fiican yihiin caafimaadka qanjidhka dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaanno, iyo cuntooyin kale oo khatar ku noqon kara caafimaadka qanjidhkaas.

Cuntooyinka u fiican caafimaadka qanjidhka Tayroodh

Aayodhiin waa macdan muhiim u ah caafimaadka iyo shaqada qanjidhka dhuunta mara ee Tayroodh oo ka masuul ah koritaanka, shaqada dheefsiga cuntada iyo faa’idooyin badan oo caafimaad. Ayoodhin oo inta badan cusbada laga helaa haddii ay jidhka ku yaraato waxa ay sababtaa qanjidhka Tayroodh oo bukooda, gaar ahaan barar lagu arko, jidh burbur, daal, Kalastaroolka oo jidhka ku bata, wahsi, niyadjab iyo diiqad nafsiya. Xaaladahan waxaa lagaga hortegi karaa iyada oo la cuno:

  1. Milixda: Milixda guud ahaan iyo gaar ahaan noocyada dib loogu sameeyo maadadda Ayodhiin waxa ay u fiican tahay caafimaadka qanjaha.
  2. Kalluunka: Kalluunka noociisa tuunuhu waxa uu hodan ku yahay Faytamiin D iyo xadiidka, waxa kale oo laga helaa xaddi fiican oo ah maadadda Ayoodhiin, sidaa awgeed cunistiisu waxa ay u fiican tahay caafimaadka qanjidhka dhuunta.
  3. Beed karsan: Beedka karsann waxaa laga helaa xaddi badan oo ah faytamiinnada A , D , Sinki, Kalshiyaam iyo maaddooyin la dagaalama sunta cuntada ka samaysanta, sidaa awgeed cunistiisu waxa ay u fiican tahay caafimaadka qanjidhka Tayroodhka.
  4. Muuska: Muuska oo hodan ku ah maadadda Bootaasiyamta waxa kale oo laga helaa Ayoodhiinta, sidaa awgeed waxa uu ka mid yahay cuntooyinka cunistoodu u fiican tahay caafimaadka.

La soco………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here