Xanuunka Jadeecada Oo Dalka Ka Dilaacay Iyo Hoos U Dhac Laga Dareemayo Hawlgalada Wasaaradda Caafimaadka

0
592

Hargeysa(Geeska)-Xanuuno kala duwan ayaa muuqda inay abaarta darteed ka dilaaceen dalka, waxaana u dambeeyay xanuunka jadeecada oo ka jira gobalada Somaliland.

Dr. Cabdillaahi Cabdi Yuusuf oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda caafimaadka, ayaa sheegay in xanuuno badan oo ay abaartu sabab u tahay ay dalka ka dilaaceen, isagoo si gaar ah u carabaabay xanuunka jadeecada “Wuu jiraa xanuunka oo wuxuu la xidhiidhaa abaaraha iyo dhibta dhacaysa, jadeecadu aad ayay u jirtaa wadanka oo dhan laakiin maaha wax faraha ka baxay.” ayuu yidhi sarkaalkani.

Sida uu hore saxaafadda ugu sheegay Cabdicasiis Cali cadaani oo ka mid ah howlwadeenada gargaarka bani aadannimo ee ka shaqeeya Somaliland, waxay safaro ay ku tageen gobalada dalka uu ku soo arkay  cuduro ku dhacayay xoolo la iskaga keenay deegaano kala duwan kuwaas oo uu sheegay inaanay garanayn xanuunadaas.

Wuxuu Cabdicasiis sheegay in xoolahan xanuunsaday la arkay in marka ay dhintaaba uu haragii ka dhammaanayo islamarkaana uu neefkii qarxayo.

Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed, ayaa isna wakhti sii horaysay sheegay in xanuuno xoolaha haleelay dalka ka dilaaceen, isagoo xusay in bakhgita xooluhu ka qayb qaadan karo faafitaanka xanuunada oo dadka u gudbi kara, haddi aan laga hortagin.

Wasaaradda caafimaadka ayay dadka qaarkii sheegaan in sannadihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid, waxaana wasaaradda laga dareemaa hoos u dhac dhinaca shaqada ah tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Xuseen-xoog oo aqoon iyo waayo aragnimo u lahaa hawlaha caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaan weli shacabka Somaliland u soo bandhigin warbixin rasmi ah oo la xidhiidha cudurada ay sababtay abaartu iyo siyaabaha looga hortagi karo inaanay dalka ku faafin iyo weliba talaabooyinka ay qaadeen.

Wasaaradda oo wakhtigan leh wasiir, wasiirul dawle iyo wasiir-xigeen,  ayay dadka qaarkood u yaqaanaan inay noqotay wasaarad siyaasadeed marka la eego shaqooyinka uu qabto wasiirka caafimaadka Md. Saleban Ciise Xaglotoosiye oo la odhan karo wuxuu kaga mashquulayaa hawlihii caafimaad ee dalka.