Xalay Iyo Bandhigii Buugga Danjire Cawil

0
545

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Daabacaadda ee Sagal Jet ayaa xalay magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay buug uu qoray danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

1

Buuggan oo uu magaciisu  yahay Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed, waxa dhawaan daabacday shirkadda Sagal Jet, waxaana ku duugan xusuusta mudadii dheerayd uu danjire Cawil ahaa safiirka dalkii la isku odhan jiray Somaliya u fadhiyay dalal dhawr ah oo bariga Afrika ah. Sidoo kale waxa ku duugan taariikh muhiim ah, waxaana xalay wanqashii buuggan ka qayb galay bulsho badan oo reer Hargeysa ah oo xiisaynayay taariikhda ku duugan buuggaas.

Madasha buugga lagu soo bandhigay waxa iyaguna goob joog ku ahaa siyaasiyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin murashaxa iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan-Cirro, wasiiro, masuuliyiin, xildhibaano iyo dadweyne kale.

Bulshada reer Somaliland ayaa si weyn u sugaysay muddo dheer buugan, waxaana xalay madashii ay dad badani ka qaateen buugga la soo bandhigay.