Xafiiska Imtixaanaadka Oo Ku Dhawaaqay In Qishka Imtixaanadu Marayo Meel Halis Ah

0
505

Hargeysa(Geeska)- Wasaarada waxbarashada iyo xafiiska imtaxaanaadka Somaliland ayaa soo qabanqaabiyay shir lagaga arinsanaayo sidii meesha looga saari lahaa qishka imtaxaanaadka oo todobadii sanadood ee ugu danbeeyay la sheegay inuu faraha ka baxay.

Xafiiska imtaxaanaadka ayaa ku dhawaaqay in dalku ku jiro xaalad aan la sii eegan karayn, waxaana shirkan lagu casuumay inbadan oo ka mid ah aqoonyahankan dalka oo talooyin ka bixinaaya sidii loo joojin lahaa qishka iyo sidii shuruuc looga soo saari lahaa.

Guddoomiyaha xafiiska imtaxaanaadka qaranka Daauud Axmed Faarax ayaa si qoto-dheer uga hadlay xaalada qishka dalku uu todobadii sanadood ee ugu danbeeyay uu ku jiray, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Aniga xasuus gaar ah ayay ii tahay waayo mudo dheer ayaan kaligay ka qaylinaayay oo waxii laga soo bilaabo 2009-kii ilaa 2010-kii qishku waa uu isa soo taraayay inbadan ayaanu runtii arintaas ka hadlaynay ka xafiiska imtaxaanaadka ahaan. dalalka jaarkeena ah inbadan ayay imtaxaanaadku ay baxaan oo lagu celiyaa, Itoobiya oo kale imika imtaxaankii ayay ku jiraan mudo toban maalmood ahna Internet kama shaqayn iyaga oo danaynaaya imtaxanaadka, inagu se danyar ayaynu iska nahay dawladuna ma  laha isgaadhsiinta mudo badan imika waanu qaylinaynay mushkiladii markay naga xoogbadatay wasaarada ayaanu u gudbinay."

Daauud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Mudo badan ayaanu qarsanaynay, waxii aad qarsataana way ku qarsadaan waanad ogtahiin xafiiska imtaxaanaadka imtaxaankii saddex bilood waa u diyaar garaysan-yahay suuqna kuma jiro cid aragta iyo cid wax ka sheegtaana ma jirto, dhibka na haystaa waxa weeye mar alle iyo marka uu imtaxaanku ka baxo farahayaga ka xafiis imtaxaanaad ahaan ee uu goobaha imtaxaanaadka tago ee uu ilaaliyaha u gacan galo, waxa uu noqonayaa casuumad gaari soo samaysay oo daboolnaa oo markii daboolka laga qaaday ciid iyo cusbo laga buuxiyay, tii ayaanu rabnaa in daawo loo helo anaguna geesinimo ayaanu samaynay oo inaan huursano iyada oo aanu arkayno dhibaatada jirta way nala ahaan wayday, wasaaraduna geesinimo ayay samaysay oo waxay ku talo galeen in shuruuc iyo si dhab ah loo waajaho arinta.2010-kii waxii ka horeeyay ardaydeenu aad ayay u da'daali jirtay laakiin waxii ka danbeeyay waxaad moodaa inay ku mashquuleen telafoonada iyo sidii qish loo samayn lahaa taanu rabno in wax nallagala qabtaana waataas."

Ugu danbtyantii guddoomiyaha xafiiska imtaxaanaadka qaranku waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday"Sanadkan soo socda oo kale waxaanu u baahanahay 1774 ilaaliye kuwaynu rabno inay arinta ay daacad ka ahaadaan oo ay kaantaroolaan in aan imtaxaanku fasalka ka bixin, kuwaas ayaynu rabnaa in ay arinta daacad ka noqdaan."

Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa  isguna dhankiisa ka hadlay shirkaas "Arintan xafiiska imtaxaanaadka iyo agaasimaha guud ayaa ka soo shaqeeyay mawduuc loo baahnaa in laga wada-hadlo oo waxii wasaaradu ay talo moodana ay idin soo hordhigto waxii aad ku daraysaan iyo waxii aad ka dhimaysaana la eego ayay wasaarada ula muuqatay waana arin muhiim ah. Waa inaan suurto galinaa in aynu suulino aafadaas  oo wax u dhimaysa, macno tiraysa oo dheeha ka qaadaysa waxbarashada iyo aqoonteena, kartida inaanka iyo da'daalkiisana macno tiraysa. ardaydu waxay maskaxdoodii saarayaan sidii ay u qishi lahaayeen, imika shir ma haynaa iyaguna shir kale ayay hayaan. arinta mucjisada ah waxay tahay bahalkan(Tilifoonka) ayaa imtaxaanka lagu soo sawirayaa oo way ka soo shaqaynayaan."