Xabbad Beed Ah Oo Aad Ilmahaaga Maalin Kasta Siisaa Waxa Ay Ka Ilaalisaa In Uu Cullaan Noqdo

27
2804

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta yaryar oo maalin kasta la siiyo xabbad beed ahi ay si weyn uga qayb qaadato koritaanka ilmaha lana dagaallanto in ilmaha miisaankiisu ka yaraado inta caafimaad ahaan saxda ah ama uu ku dhaco cudurka gaabnida (Culannimada) keenada oo inta badan sababtiisu tahay nafaqo xumo.

Cilmibaadhistan waxaa sameeyey cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka, waxa aana natiijadeeda lagu faafiyey Joornaal Maraykan ah oo ka faallooda arrimaha caafimaadka carruurta.

Tijaabo ay xeeldheereyaashu sannadkii 2015 ku sameeyeen carruur u dhalatay dalka Ecuador oo da’doodu u dhexeyso lix illaa sagaal bilood. Carruurtaas kala badh ka mid ah ayaa muddo lix bilood ah maalin kasta la siinayey xabbad beed ah, halka kuwa kalana aan la siinin beed ama cunto beed ku jiro. Natiijada ka soo baxdayna waxa ay noqotay in carruurta ka gaabata dhererka dabiiciga ah ay celcelis ahaan boqolkiiba 47 ku yar tahay carruurta beedka joogto loo siiyo.

Laura Lanotti oo madax u ahayd xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in beedku uu hodan ku yahay nafaqooyin ay lagama maarmaan u ah koritaanka carruurta. Waxa kale oo intaas dheer in uu yahay cunto laga heli karo guud ahaan nafaqada jidhku u baahan yahay isla markaasna aamin ah oo aan raadad caafimaad darro ka tegin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here