“Waxaan U Soo Noqday Inaan Shirweynaha KULMIYE Ka Qayb Galo”

0
592

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ah guddoomiye xigeenka guddiga qaadhaan ururinta wadada Ceerigaabo, sidoo kalena ah guddoomiye xigeenka 3aad ee KULMIYE, oo maalmihii u dambeeyay magaalada Addis Ababa joogay ayaa sheegay inuu u soo noqday sidii uu uga qayb geli lahaa shirwenaha KULMIYE.

Xildhibaan Talyanle, oo ka mid ahaa wefti Somaliland ah oo magaalada Addis Ababa u tagay sidii ay u qaadan lahaayeen fiisaha Ingiriiska oo ay kaga qayb galayaan xuska 18 May, wuxuu sheegay in mudada ay fiisaha sugayaan uu go’aansaday inuu fursada ka faa’iidaysto oo uu ka qayb galo shirweynaha KULMIYE. “Waxaan u soo noqday inaan fursadda ka faa’iidaysto oo aan ka qayb galo shirweynaha xisbiga aan hoggaankiisa ka mid ahay. Madaxdii kale ee guddiga wadada Ceerigaabo iyo Burco ee aanu israacnay waxay joogaan Addis Ababa oo sida ay safaaradda Ingiriisku naga balan qaaday waxay sugayaan dal ku galkii Ingiriiska, markaas maalmaha aanu fiisaha sugayno ayaan go’aansaday inaan shirweynaha ka qayb galo oo aan wakhtiga ka faa’iidaysto.” Ayuu yidhi xildhibaanka oo shalay u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Markuu shirku dhammaado Addis Ababa ayaan ku noqonayaa oo haddii Alle idmo markaanu fiisaha ka qaadano waxaanu u gudbi doonaa dalka Ingiriiska oo aanu 18 May kala qayb geli doono.”

Xildhibaan Talyanle, wuxuu intaas raaciyay in weftigoodu ay dadweynaha reer Somaliland ee Ingiriiska kala qayb geli doonaan dabaal degga xuska 18 May, iyagoo halkaas ku qaban doona munaasibado qaadhaan ururin ah oo loo samaynayo wadada Ceerigaabo.