Waxa Haboon In La Kala Saaro Doorashada Wakiilada Iyo Madaxtooyada Waxa qoray Cali-kubad

Published on Jul 03 2016 // Maqaalo

Doorashooyinku wax sahlan maaha oo waa farsamo ay dadku ku beratamaan oo ay qaarna tartanka ku guuleystaan, qaarna ay ku dhacaan,dabadeedna dadkii wada dhashay ee ehelka, tolka, qaraabada,xididka iyo asxaabta ahaa, ee ukula codeeya musharaxiinta tartamayana halkaas bay isku nacaan( dhaqanka qabiilka), oo xitaa doorashadii dhoweyd ee golaha degaanka dadyow magta wada bixin jirey baa heshiiskii mag wada bixinta ku kala baxay, oo isku nacay doorashadaas. Hadaba aan dib ugu soo noqdo sababaha aan u taageerayo inay doorashada madaxtooyadu ka soo horeyso ta golaha wakiilada. Kow, dimuquraadiyada xilalka loogu kala baratamo iyo saami-qaybsiga awooda qaran lagu kala qaybsado, waa labo wax oo aad isaga soo horjeeda, waayo midna waxay leedahay aynu wada beratano oo keena badiyaa guusha iyo xilkaba ha qaato; midna waxay leedahay waar waan ogahay hadaynu doorasho wada galno inaan ka badinayo'e, innagoon waxba wada baratemin qaybtaada qaado, aniguna aan qaybtaada qaato (waa awood qaybsi cadaalad laga raadinayo), oo waxa awoodaha dawladnimo lagu kala qaybsan karaa sida degaano ama is afgarasho siyaasadeed. Hadaynu nidhaahno markaan hadalka marada ka qaado 'reer Awdalow tiro ahaan nagula tartama annagoo ah beelaha dhexe', dee xaqoodii baynu duudsi xirfadaysan kaga qaadaynaa. Waxa iyana la mid ah beelaha (Hartistan) bariga, oo ay iyaga weliba usii dheertahay inaanay intooda badaniba codayn, ama aanay doorsahoba ka dhicin degaankooda in badan oo ka mid ah nadabgelyo daro awgeed. Waxa taas aanay iiga xanaaqin akhrisyaasha labada daraf, dee way iska muuqataa in saddexdii xisbi ee Somaliland ka jirey ay hormood ka yihiin saddex nin oo "shiicada dhexe" ahi, markaas hadii ay tiradan ay iminka dadka qaarkood ay leeyihiin codkayaga ayaanu ku helaynaa ay jirto, dee mar hore ayey xisbi qaran ku samaysan lahaayeen inta ay ku warwareegaan Madaxweyne ku xigeen dhaxal suge ah. Ta kale, dadyow badan oo aan labada daraf ahayn sida Gabooyaha ayaa iyaguna u baahan xaqsoorid iyo in iyagana aan la qadin. Sidaas awgeed, talo ka baxin ay keenaan saddex gudoomiye xisbi Qaran oo beesha dhexe ahi dee cadaalad innoo wada cuntamaysa maaha. Markaas saami qaybsigu waa arrin miisaan iyo culeys keeda leh, oo u baahan in laga baaraan dego oo shilinta iyo qodaxdaba laga guro, ee maaha wax doorasho ay xalinteedu ay ku xidhan tahay. Dadka walaalaha ahi way kala badnaan karaan, laakiin maaha inay labada daraf ay ku waayaan xaquuqdii iyo cadaaladi ay ku lahaayeen Somaliland doorsahooyin qabiileysan oo la qabto. Doorashooyinka dad baa lagu doortaa xilal ukala baratemaya, saami-qaybsigu wuu ka weyn yahay doorasho, wuu ka weyn yahay dimuquraadiyad iyo huu-haadan, wuu ka weyn yahay qabyaaladan inna madax martay, oo waa farsamo dad lagu walaalaysiiyo, si ay walaalnimadaasi utis qaado, oo aynu markaas u noqono Qaran cid waliba ay muraayadiisa iska dhex arkayso iyo walaalo wax wada leh.

Eeg Bogga 7aad

 Ta labaad, farsamo ahaan iyo sharci ahaanba haddii iminka la gudo galo sidii saami-qaybsi doorshada lagu galo loo sameeyo, waxay noqonaysaa wax lagu deg degey ama saddexdan gudoomiye xisbi ee loo diray ay danaha xisbiyadooda ama tooda gaar ahaaneedba ay ka fushadaan, oo hadhow innagu noqota mid keenta duudsi, eex, iyo cadaalada darradan imminka jirta mid ka sii weyn. Xukuumada iminka leh saami-qaybsiga kasoo talo bixiya waa xukuumad beel-dhaxaysan oo boqolkiiba 75% ay Iidoor yihiin dadka mansabyada ka hayaa. Dhinaca Qaranimada hadaynu ka eegno Madaxweynihii, gudoomiyaashii labada gole( guurtida iyo wakiiladaba) iyo gudoomiyihii maxkamada sare waa wada Beesha dhexe, weliba ku darsoo labada taliye ee kala haysta xooga dalka iyo bileyska waa beesha dhexe. Markaas suuragalna ma noqon karto golaha wakiiladana nagula baratama. Golaha wakiiladu waxuu xitaa u baahan yahay kootadii (quota) dumarka loogu xaqsoori lahaa ama beelaha la hayb sooco wax lagu siin lahaa, ee aynu wada baratano caqli iyo cadaalad toona maaha. Intaas ayaan kaga baxayaa dooda saami-qaybsiga.

Ta saddexaad, haddii la isku daro labada doorsho waxay culays weyn ku noqon kartaa Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Kommishanka doorashooyinku hore uumay soo qaban doorasho isa saarin, mana haystaan dadkii aqoon ahaan (technical support) ka caawin lahaa doorasho noocaas ah. Gudida waxay ka kooban yihiin 7 qof oo ah dadkii hawsha fulinteeda lahaa( executives), laakiin shaqaale joogta ah waxa jira madaxa diiwaan gelinta( civil registrar officer) iyo ku xigeenkiisa, waxa kale oo jira agaasime (DG) iyo xisaabiye. Markaas dadka xogta iyo tirada komputerada geliya waxa laga soo qortaa jaamacadaha intay ay doorashadu socoto, oo waa shaqaale aan joogta ahayn tababarka la siiyaana uu kooban yahay. Doorashadii degaanka wiil ka mid ahaa kuwaas aanu jaamacada kasoo qaadanay baa tiro isku mid ah labo jeer si kamma ah u geliyey koomputerka (10500 oo COD, oo ay markaas tiradii noqotay 21000), farsamo (system) noo qabata oo noo sheegta khaladkaas dhacayna may jirin, markaas ciladaasi waxay dhalisay inay dad aanu ugu dhowaaqnay inay soo baxeen, aanu hadana ku nidhaahno (Cabdow khalada xisaab) khalad baa dhacay oo meeshiinii dad kale baa ku guuleystey. Runtii waxay nagu noqotay Kommishan ahaan ceeb iyo mid aanu kasoo kaaban kari weyney, kaaga darene niman wasiiro ah oo Kommishan ahaan na nebcaana, taladii aanu xukumada usoo jeediney ee ahayd inay kuwa aanu ugu dhowaaqnay meesha loo daayo, kuwii meesha dhabta u helay ee khaladkayagu reebayna ay xukuumada xal u hesho oo shaqooyin kale siiso si ay doorashadu u noqoto mid hufan nagama ay yeelin. Markaas, cilado badan baa iminkana ka iman kara uruurinta, isu geynta, kala hufida tiro isu geynta cod-bixiyayaasha marka labo doorasho la isa saaro. Waxa la yidhi Awr xamilkii wuu qaadi karaa, xadhig qaloocanse ma qaadi karo. Kommishanka doorashooyinku maaha inay noqdaan hangoolkii la istimaali jirey uun marka la guurayo ee marka meel la degayo wax lagu oodi jirey. Kommishanka doorashooyinku waxuu u baahan yahay taageero joogta ah, shaqaale joogta ah, iyo aqoontii shaqada (technocrats) dadkii lahaa ee caawin lahaa si ay doorsho wacan inoogu dhacdo. Dhaqaalaha qaadhaan bixiyeyaasha ka soo kow, waxay ku xidhan yihiin dhaqaale ahaan xukuumada Somaliland, xukuumaduna waxay wax dhaqdhaqaajisaa markay doorasho dhacaysa uun oo Kommishanku waa sida hangoolkaas. Markaas waa in sidan loo dhaamaa oo inta marba sharci qarqoosh iyo doorashooyin dano gaar ah laga leeyahay loo dhiibo, hadana laga filanin inay Kommishanku mucjisooyin sameeyaan. Ta afraad, haddii la isku dayo in labada doorasho la is raaciyo waqti ahaan imminka suurogal maaha, waayo marka ay diiwaan gelintii kaadhka codbixiyayaashu ay u hadheen labo Gobol waa Sool iyo Sanaag'e, ee hadana la isku dayo in saami-qaybsigiina la lafo guro, mudada hadhaysay marka Sool iyo Sanaag laga soo faraxasho way ka yar tahay lix bilood doorshada ka hor, markaas laga fursan maayo inay timaado dib u dhigid danbe oo markaas loo kordhiyo xukuumada iyo golaha wakiiladaba, oo waxay u noqonaysaa dadkii korodhsiga jeclaa " meel aan rabey roob ma igu helay".

Waxaan ku soo koobayaa, saami-qaybsi xufan oo mudadan yar ee hadhay si fiican looga midha dhalin karaa ma muuqdo, Kommishanka doorashooyinkana way ku adkaan kartaa isa saarida labada doorasho, waqtiguna waa cidhiidhi, markaas haddii aanay dadkii Madaxweynaha ag joogey, ee la talin jirey aanay u jeedo kale iyo waqti korodhsi kale ka rabin, waxay u muuqataa inaanay haboonayn inuu Madaxweynuhu maanta yidhaado xisbiyadow ka soo taliya saami-qaybsiga golaha wakiilada. Labada doorasho mid baan u baahnayn saami-qaybsi iyo sharciyo aynu isku maan dhaafno oo waa ta madaxweynaha, ee waa inuu Madaxweynuhu ku dhaceeda yeeshaa, oo yidhaahdaa tii Madaxweynaha ayaan qabanayaa oo gudidii uu dadka ku maaweelin jirey Ahmed-gudi waqtiga innagaga luminin, oo korodhsi danbe lagaga dhex baandhayn, oo danta ummada aan loogu khamaarin sidii turubka. Madaxweyne, doorashada Madaxweynaha qabo oo labada doorasho kala saar si aad ugaga dhabayso balantii aad laba jeer la soo hor fadhiisatay ummada ee ahayd maalin laygu dari maayo; balan kaas hore kagama aanad dhabaynin oo waa tii laguu kordhiyey, ee bal maanta kaga dhabee ilayn nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacdaye. Haduu golahan wakiilada ee dhamaal cunayaasha ah, ee 56 ka mid ahi ay sheegtaan Kulmiye ( $500 oo guna ah baa midkiiba toos looga siiyaa wasaarada maaliyada sida la sheegay) waqtiga loo kordhiyo mushkilad maaha, waayo golihii la midka ahaa ee guurtiduba waxuu ku joogaa bilaa doorasho 25 sanadood. Markaas dalka waaxda ugu muhiimsani waa ta fulinta ee uu gacanta ku hayo Madaxweynuhu, sidaas darteed waxa haboon inuu Madaxweynuhu dadka u qabto doorashadii Madaxweynaha si dadka doonaya habka ay wax u socdaan waqtigan xaadirka ay u helaan fursad ay mar labaad kalsooni u siiyaan xisbiga kulmiye, haddii kalena ay dadku u helaan fursad ay ku doortaan xukuumad cusub oo wax ka bedesha dhabadan uu dalku hada cagta saaray ee muusuqmaasqu ragaadiyey, ee eexdu xadhkaha goosatay, ee qabyaaladu diinta noqotay ee ay gaadhey in dalacaadii derajooyinka ciidanku qabiil ku salaysnaato, ee shaqa la'aantu noqotay qayb nolosha ka mid ah, ee rajo beelka ah. Madaxweyne, dalka u hiili oo doorashada Madaxweynuhu ha soo horayso, waqtigii loogu talo galayna ha dhacdo,

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!