Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Oo Ka Jawaabay In Farmaajo Hargeysa Iman Karo

64
3948

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) , ayaa sheegay in aanay sinaba suurtagal ku noqonayn in Somaliland dib ula midawdo Somaliya.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) , oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Farmaajo wuu iska hadlayaa, wuxuu ku hadlayna wax suurtagal ah maaha, waxaana leeyahay Somaliland waa dal Calankiisa leh, waa dal Madaxweynihiisa leh, waa dal Ciidankiisa leh, waa dal jira, waa dal hanaqaaday, oo Dimuqraadiya, waa dal nidaamkiisa Dawladnimo u dhan tahay, waa dal leh Hay’addihiisa kala duwan ee Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka, waa dal ay dadkiisu u codeeyeen in aanay dib dambe uga mid noqon Somaliya, oo ay hore ugu hungoobeen, oo 97%, umadda reer Somaliland, waxay qaateen mawqifka ah ee inay madax banaanadaan, Somaliland maaha meel la iska soo galo, oo cid aan ka talin sheegato  maaha, ee waa dal Madaxweyne iyo nidaam dawladeed leh, Farmaajana waa inuu niyadiisa ku hayaa in aanu marnaba dhacaynin calanka Somaliland ee Tawxiidku ku qoran yahay, waxaana leeyahay midaw dambe ma jiro ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah, sidaas aynu haddaba nahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here