Wasiirkii Hore Ee Boosaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay KULMIYE, Kana Mid Noqday Waddani

0
843

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye isla markaasna uu ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Maxamed Jaamac Abgaal waxa uu murrashaxa xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inuu ku ollolaynaayo qabyaalad iyo dagaal isla markaasna arimahaasi ay ku kalifeen inuu ka soo digo rogto xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay Telafishanka Star, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan halkan si mug leh uga cadaynayaa inaan ka baxay xisbiga talada dalka haya ee Somaliland aan kuna wareegay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, aniga oo sababaha afkayga inbadan ka dhawrsan doona oo la sugaaya xiliga xafladaha, waxa kaliyaata oo sababta aan hada ka sheegi karaa qaabka uu u wado ollolaha imika ee uu doonayo inuu xilka qarankan ku qabto, waxa ugu horeeya yaa reer hebel aheey iyo dagaalka ayaan aqaanaa oo waxa aan idinka difaaci hadii Xamar ina soo weerarto, runtii markaynu intaas oo kaliyaata eegno waxa aan u arkaa in aynaan maanta reer hebel u baahnayn cid isku keen wada oo inteenii soo go'day ee taladoodii iyo arinkoodii Soomaaliya kala soo wareegtay in la sii kala googooyo runtii way adagtahay, dalku Ciidamadu ayuu leeyahay 26 sanadood oo darajadii aynu u qaybinay markaas dhaqaalahooda iyo jihayntooda qofkii wax ka qaban lahaa ayaynu dooranaynaaye ee madaxweyne furin gala in aynaan u baahnayan ayaa halkaas iiga muuqatay."