Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Ka Jawaabtay Hadal Uu Baahiyay Xildhibaan Askar Oo Ah Inaanay Saddex Wasiir Oo Ay Ku Jirtaa Buuxin Shuruudaha Wasiirnimo

46
3960

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii loo magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jamaac Xirsi (Hinda Gaane), ayaa ka hadashay hadal uu baahiyay Xildhibaan Askar oo ka mid ah Golaha Wakiilada oo sheegay in saddex Wasiir oo ay Hinda ku jirto aanay buuxin shuruudaha maadaama oo aanay iyada iyo wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed lahayn waxbarasho aasaasi ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka Cabdilaahi Abokor ay isna maxkamadi ku xukuntay dambi.

Wasiirkii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jamaac Xirsi (Hinda Gaane), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey eeddan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalka xildhibaanka, waxaanay ugu horeyn ku jawaabtay“Xilkani maaha xilkii kowaad ee aan Qarankan Somaliland ka qabto,waxaan anigu ahaa oo aan iska casilay Agaasimaha Maamulka Waaxda Iibka ee Biyaha Burco, waxaana ka mid ahaa haldoorka Wakaalada hagga, waxaan sidoo kale ka shaqeeyey  1983 Wakaalada Biyo gelinta mashaariicaha Burco iyo Xamarba, anigoo aan qaraabo ku tagin ee aan aqoontayda ku tagay,ayaan ka ahaa khasnaji,  imika C.V-yo iyo Shahaadooyin bay Dawladdu na weydiisay in aanu soo xarayno, waanan xareeyey, shalay ayaan ku magacawna Xoghayaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani, dadka taageerada ugu badan uu siiyo Xildhibaan Askarna waan ka mid ahaa, laakiin hadalkiisa waxaan u arkaa guul daradii ka dhacday Gobolka Saraar ama Degmo Doorashada Caynaba in aniga la ii xanbaariyey, madaama aan codaad badan ka keenay”

Dhinaca kale waxay Madaxweyne Muuse Biixi uga mahadnaqday xilkan uu u magacaabay, waxayna sheegtay inay ka soo bixi doonto waajibaadka iyo xilka loo igmaday, waxayna xustay inay ka soo bixi doonto, haddii ALLE idmo.

Geesta kale wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed oo uu xildhibaan Askar isna sheegay inaanu lahayn aqoon aasaasi ah oo uu ku noqdo wasiir oo aan isku daynay inaanu isna wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.  Wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka Cabdillaahi Abokor oo uu isna xildhibaanku ku eedeeyay inuu xukun maxkamadeed ku dhacay ayaanu isku daynay inaanu wax ka weydiino, laakiin nooma ay suurtogelin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here