Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay Inay Dhaq-dhaqaaqa Puntland Kaga Jawaabayaan Dhaqdhaqaaq Ciidan

0
467

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ku eedeeyay maamulka  Puntland inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wado deegaanada gobalka Sanaag, isla markaasna dhaqdhaqaaq ciidan ay kaga jawaabayaan.

Wasiir Cadami waxa uu sheegay in Punland ay dhib u aragtay tagitaankii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu tagay Laasqoray, waxaanu sheegay ciiddamo ay keentay aaga Badhan in wada hadal ay la sameeyeen ogayaasha deegaanka kadib ay dib u qaadeen, isaga oo ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas inuu deegaanadaas colaad ka hurinaayo.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, mar ay warbaahintu wax ka waydiisay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka taagan gobalka, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Markii aanu xeebaha galbeedka marnay ee Lughaya iyo Saylacba aanu marnay, waxaanu is nidhi socdaalka hala dhamaystiro oo yaan loo kala eexan xeebaha  oo dadku ku caban intii kalena waa la soo maray anagana waa nala dhaafay, dabadeeto waajibkii masuuliyada iyo xilka aanu haynaa uuna faraayay ayaanu gudanay, qof kasta oo mandaqadaas ka soo jeeda goobta dhalashada waxa ugu qoran Laasqoray oo anigaba waa ay iigu qorantahay, markaas deegaankayagii iyo dadkayagii ayaanu u tagnay. Qoladaasina waa ay sheegeen oo fajicisa ayaa nagu dhacday ayay yidhaahdeen, waxaana la yidhi ninkii aftahan ah ee codkarow ogow haddii nabarku kugu dhaco ha qaylinin oo tolaayeey ha odhan,qayladaas uuna laguma joogin.”

Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu yidhi“Anagu waanu ka sii hadhnay waftigii madaxweynaha anaga oo ku xisaabtamayna  waa Afrika oo ficil ayaa iman kara, talaabadii ay qaaday Puntland waxay noqotay inay ciiddamo soo dhoobaan dhul, dhulkii laysku hayayba aan ahayn. Waanu la hadlnay oo waxaanu nidhi colaad iyo nabad kala doorta,  ileen hadaad meeshayada timaadaan waanu iska kiin celinaynaaye, wada hadal dhex dhexaad ah ayaa dhacay waxayna ogalaadeen inay bixitaan sameeyaan oo halkoodii ku noqdaan, wakhti ayaana  loo qabtay, oo odayaasha mandaqadaas degen wakhtigii ay siiyeen ayay ku baxeen, sidaas ayuu ku baaqday isku dhicii labada ciidan dhex mari lahaa.”

Ugu danbayntii waxa uu wasiirka gaadhandhigu sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidanka ay kaga jawaabayaan mid ciidan uun“Intii aanu joognay waxa soo baxay sheekooyin ah dabaqaadii laga dabaqaayay tagitaankii Laasqoray waxay noqonysaa in madaxweynuu (Cabdiwali Gaas) yimaado degmooyinka kale ee Badhan iyo Dhahar,intii uu xukunka yimi hanjabaad aan jiri jirin ayuu keenay, ninka nabada jecel nabad uunbuu ku bilaabaa iyo shaydaanka halayska naaro, ninka dhinac kale u jeedaana waxa uu ku bilaaba dhulbaanu xoraynaynaa, ninku haddii uu yidhaahdo waxbaanu xoraynaynaa waa sharwade,meel walba dadkoodii ayaa jooga oo dhul dadkii lahaa laga qaaday Somaliland ma jirto, Laasacaanoodna dadkii deegaanka lahaa ayaa jooga Laasqorayna dadkii deegaanka lahaa ayaa joogaa, waxa lagu  xiiqo anaga nooguma muuqato,waxa laysugu hanjabana maaha, waanu ka wada hadli karaynaa ayaana ka wanaagsan. Markaan hadalka soo koobo dhaqdhaqaaq waa uu jiraa cida bilowdayna waa Puntland anaguna inaan daawano oo sugno ama mar walaa laga wada hadlo, dhaq dhaqaaq la sameeyay dhaqdhaqaaqiisa ayuu leeyahay dhinaca kalena, wakhtiga Caqligu shaqeeyo ee la yidhaahdo waxii aynu ka wada hadalnana waa xiligeeda.”