Wasiirada Biyaha Iyo Deegaanka Oo Mamnuucay In Baraago Ama Ceelal La Iska Qoto

0
511

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirada biyaha Xuseen Axmed Cabduule iyo deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa soo saaray in aan la qodi karin wax Harooyin,Baraago iyo Ceelal ah iyada oo aan la soo ogaysiin wasaarada biyaha. Go’aankan ay soo saareen labada wasaaradood ayaa lagu sheegay inay la xidhiidhaan ilaalinta deegaanka.

Wargalinta ay soo saareen labada wasaaradood ee biyaha iyo deegaanka oo dhamaystiran waxa ay u dhignayd sidan

Ujeedo: Wargelin

Kadib Markii Ay Shir Kuwada Galeen  Labada Wasiir Ee Wasaaradaha Khayraadka Biyaha Iyo Deegaanka Iyo Horumarinta Deegaanka Waxay Wada Jir Usoo Saareen Go’aamadan Hoos Ku Xusan:

· Markaanu Aragnay Qodobka 16 Aad Ee Dastuurka Qaranka Oo Tilmaamaya In Dawlada Dhaxe Masuul Ka Tahay Khayraadka Dabiiciga Ah.

· Marka Aanu Aragnay Qodobka 26 Aad Ee Dastuurka Qaranka Jamhuriyada Somaliland Oo Waajibiyay  In Dawladu Mudnaanta Koowaad Siiso Daryeelka Ilaalinta Deegaanka.

· C)  Sida Ku Cad Xeer Lr.04/98 Qodobliisa 12 Aad Farqadiisa 4aad.

· In Aan La Qodi  Karin Iyada Oo Aan Ogolaasho Laga Haysan Wasaaradaha Khayraadka Biyaha Iyo Deegaanka Iyo Horumarinta Miyaga Harooyinka,Barkadaha,Iyo Ceelasha Cusub Ee La Doonayo In La Qodo .

· Sidaa Daraadeed Waxaa Lagu Adkaynayaa Dhamaan Hay’adaha Dawlada,Kuwa Madaxa Banaan Iyo Dad Waynaha Warqadani Ku Socoto

· Inay Dhawraan Sharciga Ilaalinta Deegaanka U Yaala Arintana Gacan Naga Siiyaan Se Loo Bad Baadiyo Deegaanka.