Wasiir Shugri Xaaji Baandare Oo Beenisay Inay Is Casilad U Gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi

22
2577

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa beenisay inay warqad iscasilaad ah u gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Shukri oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay warar baraha bulshada si weyn loogu baahiyay saddexdii maalmood ee u dambeeyay oo sheegaya inay wasiir Shukri iska casishay xilkii, waxay sheegtay inaanay waxba ka jirin wararkaas. “Warkaas waxba kama jiraan, anigii ayaa yaabay oo weliba waan maqnaa marka waxan la sheegayo, oo markaan soo galay ayuu qof waliba I soo weydiiyay. Markaas waxba kama jiraan ee wararkaasi waa been, shaqadaydana mabsuud ayaan ku ahay oo dadka shaqada badan ayaan ka mid ahay dabeecad ahaan.”

Wasiir Shukri oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi, “Anigu shaqadayda iyo halkaan joogana mabsuud ayaan ku ahay, samada ayaana madaxtinimada laga bixiyaa. Markaas wararkaasi waa been ee wax ka jiraa ma jiraan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here