Wahsi-Dhaqaaqa Siyaasadeed ee Hoggaanka Muqdisho iyo Horumarka Somaliland

Published on May 05 2018 // Maqaalo

W/Q Cabdi Cumar Boobe

Warsaxaafadeedkii CabdiWeli Gaas, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, uu 26kii April 2018 Dubai ka jeediyay waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa mid xambaarsanaa aragti siyaasadeed iyo qorshe lagu hirgalinayo oo lagu kasbanayo, lana doonayo in hoggaanka siyaasadeed ee Dawladda Federaalku uu mar walba u dabranaado talada iyo fulinta danaha gaarka ah ee Puntland, iyo inuu si joogto ah uga shaqeeyo carqalad siyaasadeed oo lid ku ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Aragtidan siyaasadeed maaha mid ka soo maaxatay maskaxda Gaas, laakiin waa fikrad uu Cabdillaahi Yuusuf keenay kadib markii Imbagaati lagu soo doortay 2004tii ee uu Baydhabo dawladiisii dejiyay maadaama uu Muqdisho tegi kari waayay ilaa ay ciidamadii Itoobiyaanku soo kaxeeyeen horaantii sannadkii 2007dii. Intii uu Baydhabo joogay ayuu dareemay in beesha caalamku ay ka cagajiidayso inay siiyaan ciidamadii uu ka dalbaday, wuxuuna soo jeediyay in ay haboontahay in Muqdisho la iska iloobo oo la isku xidho Boosaaso, Baydhabo ilaa Kismaayo – waa dhulka ay imika ka koobanyihiin maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ee ka tirsan Federaalka Soomaaliya.

Waxa muuqata in erayadii halkudhigga u noqday warsaxaafadeedkii Gaas “Soomaaliya maaha Muqdisho; Muqdishina maaha Soomaaliya” ay la xidhiidheen fikradii uu maalintaa Cabdillaahi Yuusuf soo jeediyay, taasoo markaa ku salaysnayd dhinaca amaanka, laakiin maanta waxa loo adeegsaday in dhaqaale iyo maalgelin lagu raadiyo. Tusaalle, warbaahintu waxay tebisay in Axmed Madoobe, hoggaamiyaha Jubaland, uu isaguna Imaaraatka ku sugnaa iyagoo si dadban u tilmaamayay in uu arrintan qorshaheeda wax ka waday. Saxaafadda ayaa sidoo kale dhowaan baahisay in Shariif Xasanka Koonfur Galbeed uu saxeexay heshiisyo lagu dhisayo dekedda Baraawe. Taasi waxay cadaynaysaa in qaanso siyaasadeed ay isku bahaysteen saddexdaa maamul goboleed ay ka dhex samaysantay Federaalka Soomaaliya, iyo in Gaas uu maalintii dhawayd u baanayay hoggaamiyeyaasha Muqdisho ka taliya.

Waraysi ay idaacadda BBC Somali la yeelatay wuxuu Gaas ku sheegay in dastuurka Puntland iyo ka Federaalku ay u ogolaanayaan in heshiisyo maalgashi ah uu la geli karo shirkadaha caalamiga ah. Wuxuuna hadalkiisa raaciyay, “Sida Turkidu u maamusho dekedda iyo madaarka Xamar, maxaa u diiday in dekedda Boosaaso ay Imaaraatku u maalgeliyaan oo balaadhiyaan?” Waa su’aal uu gar u leeyahay – runtii. Wuxuuna hadalkiisa ku daray in Imaaraatku ay ka caawiyaan la dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda, ka ganacsiga tahriibinta dadka iyo xaalufinta kalluunka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa isweydiin leh siyaasadda Muqdisho ee wahsi-dhaqaaqa ku salaysani ma kicin doontaa xildhibaanadii lix toddobaad ka hor huriyay dagaalkii siyaasadeed ee ku wajahnaa DP World iyo Somaliland? Jawaabtu waa maya. Waayo waxay ka baqayaan haddii baarlamaanka Muqdisho uu Puntland ku qaado dagaal siyaasadeed oo la xidhiidha heshiisyada la sheegay in uu Gaas la soo galay Imaaraatka in is afgaran waa ba’ani Federaalka ka dhex abuurmo, kadibna ay halkaa ka soo baxaan fursado sii adkaynaya oo abaalmarinaya waxqabadka iyo nabadda Somaliland iyo xidhiidhka ay beesha caalamka la leedahay. Taasina waa qadiyad ay si adag uga soo horjeedaan.

Xaqiiqdii wahsi-dhaqaaqa hoggaanka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Muqdisho maaha mid khatar ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, dhinaca geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dhinaca horumarinta iyo habsami-u-socodka dawladnimada labadaba. Haseyeeshee abaabulada siyaasadeed ee qorshaysan ee fulinaya danaha dawlado kale ayaa ah kuwo aan la dhayalsan karin, una baahan in si fiican loo derso, tallaabooyin ku haboonna laga qaado.

Siyaasadda Muqdisho ee ku salaysan wahsi-dhaqaaqa, oo lagu tilmaami karo sidii baabuur baytarigu ka xunyahay oo mar walba jug lagu kiciyo, waxay u faa’iideynaysaa Turkiga iyo xulafadiisa, sida Qatar, oo ku talojira sidii ay dhidibada ugu aasi lahaayeen hab ay ku hantaan xidhiidhka dhaqaale ee Sucuudiga iyo Imaaraatku ay la leeyihiin Soomaalida ku nool Geeska Afrika. Durtaba waxa la dareemi karaa tallaabooyinka ay xulafadaasi qaadeen in aanay saameyn doonin oo keliya dheelitirka hoggaamineed ee gobolka Geeska Afrika laakiin waxa kale oo ay waxyeelayn doontaa xasiloonida gobolka iyo caalamka Islaamka.

Waraaqo diblumaasiyadeed oo Wikileaks ay sannadkii hore sii daysay ayaa sheegaya in Maraykanku uu Qatar ku eedayay in ay Al-Shabaab maalgeliso. Waxa kale oo jira warbixino sheegaya in siyaasiyiin xilal ka haya Dawladda Farmaajo ay aad morning ugu xidhanyihiin Dawladda Qatar. Sidoo kale, waxaynu ognahay in saldhiga milateri ee uu Turkigu ka furtay Muqdisho uu yahay saldhigii milateri ee ugu weynaa ee uu waddanka dibeddiisa ka furo. Saldhigan wuxuu furay kadib markii uu ciidamo dheeraada geeyay saldhiga milateri ee uu Qatar ku leeyahay, kuwaasoo uu iyaga ku taageerayay si ay isaga caabiyaan isbahaysiga ay hogaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraatku.

Dhab ahaan waxa lagu doodi karaa, go’aankii CabdiWeli Gaas iyo qaansada siyaasadeed ee baalmartay Muqdisho, iskuna xidhi karta inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Kismaayo, waxay Jamhuuriyadda Somaliland siinaysaa fursado ay ku sii xoojiso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay beesha caalamka, kuna xaqiijiso ujeeddadeeda kama dambeysta ah. Waayo, ta koowaad, qoddobada kor ku xusani waxay cadaynayaan in Dawladda Federaalka iyo baarlamaanka Muqdishu aanay muhiimadoodu ahayn sidii nabad waarta u keeni lahaayeen, laakiin ay Turkiga iyo xulafadiisa u fududeeyeen in dagaalka siyaasadeed ee waddamada Gacanka ka dhextaagan loo soo raro Geeska Afrika.

Ta labaad, imika suurtogal maaha in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya qalalaasaha siyaasadeed ee Muqdisho ka jira darteed, iyo Farmaajo iyo xukuumadiisa oo aan awood u lahayn in ay maareeyaan arrimahoodii gudaha iyo amaankooda.

Xaqiijinta ujeeddada siyaasadeed ee Somaliland waa arrin u baahan in loo guntado oo laga wada shaqeeyo, gaar ahaan xukuumadda, xisbiyada, golayaasha baarlamaanka, saxaafadda, ururada bulshada iyo indheergaradka.

Waa lama huraan in Somaliland ay ka feejignaato waxyaabaha carqaladayn kara xidhiidhada diblumaasiyadeed iyo kuwa maalgashiga ee ay la yeelanayso waddamada kale iyo shirkadaha caalamiga ah. Waxa iyana aad u muhiim ah in la maareeyo ra’yiga dadweynaha (public opinion) si aan loogu dhexayn hoggaanka la doortay, xukuumadda, xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka iyo shicibka. Taasi waxay keeni kartaa in hawlaha horumarinta – sida heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera iyo maashaariicda la xidhiidha – ay noqdaan kuwo aan madmadow ku jirin (transparent).

@AbdiOBoobe

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!