Wacdarihii London iyo Arbacadii: 18 May 2011:-By Cabdillaahi C. Cige

0
1054

yaab

 

London(Geeska)Waxa aannu ka soo jarmaaday magaalada Liverpool oo xeebta waqooyi galbeed ee carro Ingiriis ku dhejisan. Ilaahay ha daayee dareewal baabuurta rakaabka qaadda subaali yaqaan ayaa na waday; Mubaarik Maxamed wuxuu ku dedaalay inuu na la gaadho wacdaraha reer Somaliland ka dhigayeen magaalada Landhan.

Shiikh Siciid Cali Dhicis ayaa judhiiba ducadii safarka gadhka noo geliyay. Laamigu wuxuu ahaa sulux, jidku wuu noo furnaa, toobiyuhu wuxuu ka markhaati kacayay in, haddii Eebbe na nabadgeeyo, aannu bartilmaameedkayaga wakhtigii loogu talagalay ku tegi doonno.

Dhallinyaro fanka u jajaban ayaa sinxi heeso waddani ah oo munaasabaddan 20guurada Somaliland loo sameeyay ku gingiman yihiin kaga dhawaajiyay. "Xumaha dhaafaha, wanaagga dhisaha, wixii dhacaya ba, dhankiisa hayaha, waddaniga dhabta ah, Allow dhawr, Somaliland Allow dhawr", Nuur Daalacay ayaa si wanaagsan saarkii waddaniyadda nooga soo riday. Shiikh iyo shariif intii baabuurka saarnayd waa la wada saaqay.

Gudubnay, caasimaddii xili munaasib ah dareewalkii fariidka ahaa nagu gee. Baabuurkii meel bariga Landhan ah ku moqollosnay, shaah iyo qurus kale wixii na loo qoray gini cascas oo aannu sidannay kaga ciilbeellay. Calamadii, garamadii Somaliland ku xardhanayd, qoorxidhkii iyo agabkii dabbaaldegga wiil ku gingiman oo na sugayay kala boodnay.

Landhan waa meel saxmad loo dhistay, saxmadna loogu nool yahay. Ninka sidii fadhanka dhulka quusi yaqaan ayuun baa ka adag baa la yidhi. Lugta beegsannay. Stepney, waa afqalaade, istaan la yidhaahdo oo tareenka dhusinka orda laga raaco isku shubnay. Shiikh gadhku hamashka yahay oo afar wiil wataa jamaca lagu soo qabsay,"Ma dhankaasaa ku socotaan?" nagu waraysay. Astaamihii xafladdu kama muuqdaan, armuu Soomaali kale oo idinla dabbaaldegaya noqdaa iskula shawrnay. "Haa" nidhi, isaga iyo wiilashiina nagu soo biiro. Indho taagtaagga iyo fiigsanaanta wiilasha ka muuqata inay qurbaha ku cusub yihiin noo muuqatay.

Tareen xammaysani nagu soo bex. Farxaan J. Bureeqa oo qurbaawi gaboobay ahi farta kor u taag oo colkii haki, "Ha korina kan" amar ku bixi. Nin dhankaas iyo Yurub ilbaxnimada ka soo korodhsaday Farxaan warkiisii ka hor yimi, cabbaar colku weesaaq. Bahalkan dhusin orodka badani waa mucjiso xilli go'an ku socotee iska leexee intii horjoogayaashu is haysteen.

Kii xigay ba waa kan. Ku dullaalay birtii qalax lahayd. Waa Westminister, waa bartii loo socday. Sidii geel horweyn ah oo haro la soo tubay(Wa halkii Cilmi Boodharee) ku qamaamnay bartii loo socday. Wiil iyo gabadh calankii Somaliland ku jeeni qaarani kadinka nagu qabto, "Hambalyo, midigta u leexda dabadeedna hee". Ka soo mudh nidhi. Gabadh bilicsan oo caleenkii ku jeeniqaarani samafaraha dacalkiisa nagu la kulantay; "Ka jooga, socda, waa bartaas", nagu gelbisay.

Gabadh kale, wiil kale, gabadh kale, calan kale, calan kale, calaamado badan, waa taas bartii, waa kaas dadkii, wayna kaa hadda ba. Sidii horweyntii la sheegay hore u dillaanay.

"Xumaan dhaafaha, wanaagga dhisaha, waddaniga dhabta ah, Allow dhawr" ayaa niyaddayda ka bixiweyday. Waa dhallaankii maalintii Somaliland lagu dhawaaqay, 20 sannadood ka hor, dhashay oo kuwii ay sii dhaleen oo dalaqdalaq leh daadihinaya. Waa kuwii dhaawacmay May 88 oo dhutinaya, waa kuwii aragga beelay 27- 30 kii May 1988 oo la hagayo. Waa kuwii lixdankii "Aan maallo hasheenna Maandeeq" qaadayay oo dheeldheeliyaya. Waa dhammaantood, waa dhammaantayo, waa dhammaanteen, waa Somaliland oo is urursatay.

Waa wadartii intaas oo qalbi oo sebi leh, dhallin leh, oday leh, Shiikh leh, halgamaa leh, naftii hure leh, oo isku ladhan oo soo burqanaysa, waa farxaddii bulshada oo lagu bilay casaan, doogo iyo caddaan isbiirsaday.

Goobtaas rayrayntii ka bullaantay dalxiis qalaalood sawir ku qaaday, Yuusuf Garaad cod ku dhiib,  telefiishanno Soomaaliyeed oo liicliicayaa mullaax ku marte, waxa se intaas oo dhan ka culus oo ka quwad weyn wixii inta isu soo baxday iyo inta kale ee adduunweynaha dacalladiisa iyo Somaliland oo dhan isugu soo baxday ay kala korodhsadeen, isu kordhiyeen, isku na biiriyeen, taas oo ah midnimo, is lahaansho iyo iska warhayn aan gaboobayn.

Waddaniga dhabta Allow dhawr, Somaliland Allow dhawr… Iga sii daa….

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK… edleh@hotmail.com