Ururka Adkaynta Qaranimada Oo Ka Digay Ururo Ka Shaqeeya Is Dhex Galka Dhalinyarada Somaliland Iyo Somaliya

35
2882

Hargeysa(Geeska)-Ururka Adkaynta Qaranimada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SPA ayaa ka digay ururo maalgalineed iyo kooxo kubada ciyaara oo xooga saaraya inay is dhex galaan dhalinyarada reer Somaliland iyo Somaliya si loo fududeeyo in aanay dhalinayarada Somaliland ka didin Somaliya.

Ururkan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa dhawaaq dheer kaga digay in loo feejignaado arimaha la xidhiidha qaranimada, waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay xoghayaha ururkan SPA Siciid Cabdilaahi waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “Waxa jira barnaamijyo lagu mijo xaabinaayo ama lidi ku ah qaranimada Somaliland kuwaas oo xanbaarsan midnimo iyo isku mid ahaanshaa Soomaalida waxaana fulinaaya ururo gudaha Somaliya laga leeyahay, waxaanay mashaariicdaasi ay salka ku hayaan in la xoojiyo isku mid ahaanshii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo Somaliya, iyaga oo ku soo dhex dhuumanaaya baahida dalka taala sida shaqo abuuris iyo ganacsi, dhalinyaradii reer Ustareeliya ahayd ee dalka timi ayaa ugu danbaysay kuwaas oo ujeedadoodu ahayd inay ku soo ciyaaraan Somaliya oo ay soo maraan gobalada Somaliya oo dhan, Somaliland ayay yimaadeen oo Boorama iyo Hargaysaba magaca ay dalka ku joogaana waa Somaliya, cid kasta oo dalkeena imanaysaa waa inay ku timaado magaca Somaliland.”

Amran Cali Maxamed guddoomiye ku xigeenka ururkan Adkaynta Qaranimada Somaliland waxa ay shacbiga ku dhiiri galisay in layska jiro isku dayada jira”Inyar ayuu inoo soo jiraa ictiraafkeenii ee inta aynu helayno inaan iska ilaalino kubadbaa laynala ciyaarayaaye, waayo mar walba waxay ku celcelinayaan dhalinyaradu inay is dhex gashaanu u nimi, dhalinyarada is dhex galaysaa miyaanay ahayn kuwii la xasuuqay aabayaashood, kuwii hooyooyinkood iyo caruurtooda la baabi’iyay, miyaanay ahayn kuwa xabaal wadareedyadu ay uga buuxaan dalka.”

Halka Siciid Maxamed Siciid uu ka soo bandhigay ururada arimahan dabada ka riixaya “Waxa jira ururo badan oo halis ku ah qaranimada iyo jirtaanka Somaliland waxaan si gaar ah uga hadlayaa ururka la magac baxay Fursad-Fund ururkaas oo aasaasayaashoodu ahaayeen muwaadiniin reer Somaliya ah oo uu ugu horeeyo wasiirkii hore ee qorshaynta Somaliya Mr.Caynte iyo wasiiradii hore ee xaalada degdega ah ee Somaliya, waxa ay hadda wadaan mashaariic loogu soo dhuumanaayo dadkeena Somaliland  kuwaas oo ka wada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland-ba”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here