UAE Ayaa Mid Ka Mid Ah Amiirradii Cusmaaniyiinta Ku Sheegtay Budhcad, Turkiguna Waxa Uu Kaga Jawaabtay In Jidka Hormara Safaaradda UAE Ee Ankara Loo Bixiyo Magacii Amiirkaas

0
1051

Ankara (Geeska)- Dawladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in jidka hormara safaaradda dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu ku leedahay magaalada Ankara, loogu magac dari doono Fakhruddiin Baasha oo ahaa Janaraalkii dawladda Cusmaaniyiinta u qaabilsanaa magaalada Barakaysan ee Maddiina intii u dhexeysay 1916 kii illaa 1919 kii.

War uu Geeska Afrika tarjumay ayaa ay wakaaladda wararka ee Anadoul ku sheegtay in uu jawaab u yahay hadal uu wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Saayid Ala Nahyaan toddobaadkii hore ku faafiyey bartiisa twitter ka oo uu Fakhruddiin Baasha iyo ciidamadiisii Cusmaaniyiinta ku eedeeyey in ay dembiyo ka geysteen magaaladan barakaysan isla markaana qoraallo taariikhi iyo lacag ka xadeen intuu ay Cusmaaniyiintu ka arriminayeen magaalada Nebi Muxammed (SCW).

Duqa magaalada Ankara ee caasimadda turkiga ayaa isla markii warka wasiirku faafay waxa uu soo saaray wareegto uu ku amrayo in magaca jidka hor mara safaaradda Imaaraadka Carabta ee Ankara loo beddelo Fakhruddiin.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa isaguna hadalkan wasiirka si dadban uga jawaabay, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “a oo hadalka wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka daba socda waxa uu yidhi, “Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa dalkayga cadaawad xumayn iyo colaad kula kacaya si ay u qariyaan jaahilnimada haysata iyo kartidarradooda”

Magaalada Barakaysan oo ah tii uu Nebi Muxammed (SCW) ku badbaaday xilligii tolkii ka soo caydhiyey magaaladiisii Maka, isla markaana uu qabrigiisu ku dhexyaallo, ayaa ay dawladdii Islaamka ee Cusmaaniyiintii muddo dheer ka talinayeen, ka hor intii aanay dagaalkii koowaad ee adduunka magaalada iyo dhulka Xijaas oo dhan xoog kula wareegin ciidamadii gumaystaha Ingiriiska oo garab ka helayey Carab gooni-u-goosad  ahayd oo doonayey in ay ka go’aan dawladda Cusmaaniyiinta, dawlado yaryar oo u gaar ahna dhisaan. Waana sababta uu madaxweyne Erdogan hadalkiisa jawaabta ahaa ugu daray, “Markii uu Fakhruddiin Baasha difaacayey Madiina, kuwiinan niyadda xun ee annaga wax naga sheegayoow, halkee ay awoowyadiin joogeen?”

Fakhruddiin Baasha oo darajada Sarreeey Gaas ka gaadhay ciidamada ayaa intii uu magaalada Madiina maamulayey waxa uu u babacdhigay weerarro joogto ahaa go’doomin ay magaaladan ku hayeen ciidamada Ingiriiska iyo Carabta garabka siinaysay, muddo ka badan laba sano, waxa aanay xilligaas saraakiishii Ingiriiska oo la yaabban geed-adaygnimadiisu u bixiyeen, ‘Libaaxa lama deggaanka’ ugu dambayntiina waxa uu Fakhruddiin isu dhiibay ciidamadii carabta oo uu hoggaaminayey Cabdalla Bin Xuseen oo ah tafiirta ay ka soo jeeddo boqortooyada dalka Urdun.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here