Turkiga Oo Nigeria Ka Codsaday Inay Xidho Dugsiyo Uu Leeyahay Wadaadka Afgembiga Ku Eedaysani

0
541

Dawladda Turkiga ayaa dalka Nigeria ka codsatay in ay xidho tiro iskuullo ah oo ay sheegtay in uu leeyahay Fetullah Gulen.

1

Mr. Gulen,  waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishan ka dhacay dalka Turkiga.

Hakan Cakil oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya dalka Nigeria ayaa sheegay in uu codsaday in albaabada loo laabo 17 iskuul.

Turkiga yaa iskuuladaas ku eedeeyay in lacagaha ka soo baxa lagu maalgeliyo falal aan sharciga waafaqsanayn.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dawladda Soomaaliya ay xidhay iskuullo iyo isbitaallo ay lahaayeen dhaqdhaqaaqa Gulen. Halka Somaliland na ku gacan saydhay codsiga Turkiga.

Dawladda Turkiga ayaana soo gudbisay codsiga lagu xidhay.

Fetullah Gulen wuu diiday in uu wax lug ah ku lahaa maleegitaanka inqilaabkii dhicisoobay.