Trump Oo Xilkii Ka Qaaday Xoghayihii Arrimaha Dibadda Iyo Doorka Ay Imaaraadka Ku Lahaayeen

25
3272

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay Xoghayihiisii Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson, isagoo ku beddelay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, Mike Pompeo.

Madaxweyne Trump ayaa eryidda Tillerson iyo magacaabista Pompeo ku shaaciyay fariin dhinaca Twitterka uu soo dhigay.

Waxa uu yidhi “Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota CIA, Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.”

Eryidda Tillerson, ayaa waxay ku soo beegmaysaa isagoo safar shaqo ah ugu maqnaa qaaradda Afrika oo uu soo gaabiyay.

Waxaa jiray warar sheegaya inay jireen kala aragti duwanaansho Rex Tillerson iyo Aqalka Cad, iyadoo Mareykanku uu wajahayo xaalad sugnaansho la’aan la xidhiidha siyaasaddiisa arrimaha dibedda, gaar ahaan dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan.

Bishii October ee lasoo dhaafey, Tillerson ayaa ku qasbanaaday inuu qabto shir jaraa’id, si uu u beeniyo warar sheegayey inuu doonayo inuu is casilo.

Deyrtii ina dhaaftey, ayuu Trump ku bahdliay bartiisa twitter-ka ganacsadahan hore, isagoo sheegay in Tillerson uu isaga luminayo waqtigiisa la xaajoodka dalka ku hubeysan hubka Nuclear-ka ee Kuuriyada Waqooyi.

Tillerson ayaa laga soo wariyey inuu aad ula yaabay sida ay u hooseyso aqoonta Trump uu u leeyahay maareynta siyaasadda dibadda.

Wargeyska New York Times oo soo xigtay masuuliyiin, ayaa sheegay in Trump uu aad uga cadhooday marar badan hab dhaqanka xoghaye Tillerson marka lagu jiro shirarka.

Geesta kale, warbaahinta Maraykanka ayaa shalay aad u baahisay in xil ka qaadista diblomaasigani ay ka dambayso dawladda Imaaraadka Carabta oo Madaxweyne Trump ka codsatay inuu xilka ka qaado Tellerson oo la aaminsanyahay inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay dawladda Qatar. Tellerson ayaa cambaareeyay go’aanka ay wadamada khaliijku cuno-qabaynta ku saareen dalka Qatar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here