Trump Oo Nin Wariye Ah Twitter Ka Ku Weeraray, Wargeyska Uu U Shaqeeyana Ka Codsaday In La Eryo

46
3416

Washington (Geeska)- Madaxweynaha hoggaamiyeyaasha dunida oo dhan ugu isticmaalka badan barta bulshadu ku xidhiidho ee twitter ayaa wargeyska caanka ah ee Washington Post ka codsaday in ay shaqada shaqada laga caydhiyo nin wariye ah oo sawirro qaldan ka faafiyey madal uu madaxweyne Trump khudbad ka jeedinayey.

Weriye Dave Weigel ayaa dhowaan bartiisa twitter ka ku faafiyey sawirro muujinaya dad aad u tiro yar oo jooga hool ku yaalla magaalada magaalada Pensacola ee gobalka Floridsa oo uu madaxweynuhu jimcihii ina dhaafay khudbad uga jeedinayey taageereyaashiisa.

Wariyaha ayaa sawirkan uga jeeday in uu soo bandhigo in dad aad u tiro yari ay danaynayeen taageerada madaxweyne Trump iyo dhegeysiga khudbaddiisa, waxa aan sawirradan raaciyey ereyo jeesjees ah oo macnahoodu ahaa, “Hoolku dad ayaa uu la ciirciirayaa”

Madaxweynaha Maraykanka oo caan ku ah isticmaalka Twitter ka ayaa markiiba bartiisa twitter ka isna ku faafiyey sawirrada hoolkan oo si run ah dad ula ciirciiraya, intaas kuma uu joojin ee waxa uu raaciyey ereyo uu ku dhalleecaynayo beenta uu wariyahani sheegay, kagana codsanayo in uu raalli gelin ka bixiyo, “David Weigel oo ka tirsan wargeyska Washington Post waxa uu faafiyey sawirro hoolka laga soo qaaday hoolka oo madhan, oo ahayd saacado ka hor intii aanan aniguna iman, laakiin markii dambe kumannaan dad ah ayaa inta uu gudihii ka buuxsamay bannaanka hoolka tubnaa”

Madaxweyne Trump intaask uma uu hakan ee waxa uu sii waday faalladiisa isaga oo dadka u tilmaamaya sawirrada uu isagu soo dhigay bartiisa ee muujinaya hoolka oo buuxa waxa aanu yidhi, “Sawirrada runta ahi waa kuwaas hortiinna yaalla .. waa hool dad la ciirciiraya, iyo dad aad u badan oo bannaanka taagan, kadib markii uu guduhu ka buuxsamay ee ay soo geli kari waayeen .. waxa aan ka dalbanayaa in uu raalligelin bixiyo warka beenta ahna tirtiro”

Wariye Dave Weigel oo arkay xaqiiqada ah in sawirrada uu faafiyey been ahaayeen ayaa isna markii Trump hadlayba tirtiray sawirradii iyo hadalladii uu soo dhigay bartiisa” Intaas kuma uu ekaan ee wariye Dave Weigel waxa uu ku andacooday in la majara habaabiyey oo loo sheegay in hoolka dadka joogay aad u yaraayeen, laakiin hadalkan markiiba kuma uu darin raalli gelin.

Madaxweyne Trump intaas kuma uu qancin ee cabbaar kadib ayaa uu bartiisa twitter ka soo geliyey farriin kale oo uu ku dhalleecaynayo wariyaha cudurdaartay oo uu ku eedeeyey in uu marka horeba badheedhay isaga oo og in uu been sheegayo, waxa aanu qoray, “Raalligelin ayaa uu imika bixiyey in sawirkii uu faafiyey uu been ahaa .. Marka horeba waa uu ogaa in hoolkan ay dad buuxdhaafiyeen, sida talefishankaba laga arkayey .. warar been ah.. waa in shaqada laga eryaa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here