Tartanka Hal Abuurka Ganacsiga Oo U Furmay Qaar Ka Mid Ah Jaamacaddaha Dalka

0
670

Hargeysa (Geeska)-Tartan ku saabsan hal abuurka Ganacsiga,ayaa waxa loo qabtay shan ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn dalka, gaar ahaan Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda Beder ee Hargeysa, Jaamacadda Camuud ee Boorama, Jaamacadda Nugal ee Laascanood iyo Jaamacadda Burco, waxaana tartankan maalgelinaya Permier Banka.

Munaasibadii tartankan lagu furay, oo si weyn loo soo agaasimay, kana soo qayb galeen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Ardayda, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacaddahan, ayaa waxay ka dhacday shalay Xarunta Daladda Dhalinyarada ee Sonyo, waxaana ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay Mubaarig Ibraahim Aar, oo ah Hormoodka Jaamacadda Beder, oo isagu qabsoomida tartankan sabab u ahaa, ayaa isagoo faah-faahin ka bixinaya, tartankan wuxuu yidhi “Barnaamujkani wuxuu la magac baxay tartanka  hal abuurka Ganacsiga ee Ardayda Jaamacadaha Somaliland, waa tartan ganacsi,waxa ku tartamaya shan jaamacadood, Jaamacadda Camuud, Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda Burco, Jaamacadda Nugaal iyo Jaamacadda Beder, fikradani waxay runtii ku timid barnaamujka aanu sii dayno, ee la yidhaahdo Macalinka Tv-ga  ayaanu ugu talagalnay halkii aanu dadka u sheegi lahayn in aanu ficil u bedelno, oo ardaygii oo ganacsigii sameeynayaa, aanu runtii sameeyno barnaamujyo noocaas ah, run ahaantii markii aanu fikradaas keenay, waxaanu ula tagnay Premier Bank, oo aanu ku nidhi waxaanu rabnaa in tartan loo qabto Ardayda Jaamacaddaha, oo aanu marka hore ku tababarno sida Ganacsiga loo abuuro, laakiin tartankaas waxaanu rabnaa cidii maalgelinta dhaqaale sameeyn lahayd, oo ardaydii ku soo baxda siin lahayd lacag maalgelineed, oo dhaqaale ay ku abuuraan, runtii Shirkado badan waanu u tagnay, Bankiga kaliya ee runtii aqbalay inuu lacag bilaash ah bixiyo,oo aan dayn ahayn, oo uu ardaydaas siiyo wuxuu noqday Premier Bank”.

Nuradiin Cilmi oo ka mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Premier Bank oo isna munaasibadan ka hadlay ayaa yidhi “Aragtidii aad markii hore ka haysateen hal abuurka, wax baa iska bedelay,tiimka ku guulaystay, ee lacagta la siiyo, ee barnaamujka hirgeliyaan shaqaale ayey isku bedelayaan, waxa laga yaaba intiina halkan fadhida, ee barnaamujka ka qayb qaadanaysa, inaanad shaqaale caadiya ahayn, ee arday tihiin , marka darajadii shaqaalenimo laftigeedii waad ka boodeen,marka barnaamujyada noocan oo kale waa kuwa aynu u baahan nahay in manhajkeena qayb laga dhigo, oo nidaamkan ah in shaqaale soo baxo wax laga bedelo, oo aynu u guurno nidaamka ah in shaqaale laftigiisa aynu soo saari karno”.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa sheegay inuu barnaamujkani yahay mid aad u qiimo badan, oo wax-tar leh, waxaanu u mahadnaqay cid walba oo gacan ka geystay.