Talooyin Qaldan Oo Dadka Miisaanka Dhimayaa Ku Dagmaan Iyo Sababta Aanay Faa’iido Uga Helin

61
4431

Muddooyinkan dambe sheekooyinka ugu dhegeysiga, akhriska ama daawashada badan ama dadku aad ugu haasaawaan dunida oo dhami, waa kuwa la xidhiidha dhimista miisaanka iyo talooyinka caawinaya. Sababtaas awgeed ayaa uu mawduucani noqday mid cid kastaa aragtideeda ka dhiibato, fikirna ku darsado, sida oo kale dad badani uga faa’iidaystaan arrimo xayeysiis iyo ganacsi la xidhiidha, iyaga oo dadka u sheegaya talooyin aan waxba ku soo kordhinayn miisaan dhimista.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah talooyinkaas oo qaarkood ah kuwo aan waxa la sheegay waxba ka tarayn, qaarna xaalka ugaba sii daraan.

Waxa se marka koowaadba muhiim ah in aad meel ku gunuddo in aanay jirin talooyin badan oo miisaan dhimista la xidhiidha oo ay dadka oo dhami wadaagayaan. Tusaale ahaan nooca dhiigga qofka ayaa saamayn gaar ah ku leh kuwa ay yihiin talooyinka anfacaya, sababina kara in talo qof ku faa’iiday aanay qof kale waxba u tarin.

  1. Cunto joojinta ku meelgaadhka ah: Cuntada oo aad yarayso, isla markaana habayso waqtiyada aad cunayso iyo sida aad u cunaysaa waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu muhiimsan ee caawiya dhimista miisaanka. Laakiin in cuntada muddo la dhimo, kaddibna mar labaad dib loogu soo noqdo cunto cunistii hore, waxa ay ka mid tahay xaaladaha marka hore miisaanka dhima, laakiin isla marka uu qofku dib u bilaabo uu miisaankii dhaqso u soo noqonayo. Talada ugu habbooni waa in aad yarayso cuntadaada, nidamaiso waqtiyada aad cunayso, go’aamiso nooca cunto ee aad cunayso, oo aad weligaaba laasimto oo aanad ka guurguurin.
  2. Gaajada iyo miisaan dhimista: In la raaco nidaam cunto qaadasho ee jilayaasha iyo dadka caanka ahi raacaan oo ah in nafta gaajo aad ah lagu hayaa, waa run in ay miisaanka dhimayaan, laakiin dhakhaatiirta iyo xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu waxa ay ka digayaan in gaajada badani ay caafimaad darro badan ku keento qofka. Dhibta ugu weyn ee ay keentaa waa in ay dhaawacdo awoodda dabiiciga ah ee uu jidhku u leeyahay hawlgalka dheefsiga loo yaqaanno oo ah in jidhku si fiican ula baxo nafaqada iyo macdanaha kala duwan ee cuntada ku jira, waxa kale oo ay dhaawacdaa awoodda jidhku u leeyahay gubista cuntada.

Arrimahaasi waxa ay keenaan in jidhku marka hore miisaan badan rido, laakiin marka dambe uu joojiyo miisaan dhimista, wax kasta oo la sameeyaana aanay waxba ka beddelin, sida oo kale waxa ay keentaa xaalado caafimaad darro oo kala duwan.

  1. Khudradda badan: Muran kama jiro in khudraddu ay u fiican tahay caafimaadka, laakiin waxa cilmibaadhisaha dambe oo dhami waxa ay isku raacsan yihiin in cunto badan oo la cunaa ay sababto dhibaatooyin caafimaad oo badan, waxaana ka mid ah in heerka sonkoraha iyo maaddada ‘Fructose’ oo labaduba khudradda ku jiraa ay ku bataan jidhka, waana arrin caafimaadka jidhka dhibaato ku ah.
  2. Nooca Kaalori (Calorie) ee aynu la dagaalamaynaa waa kee: Dad badan ayaa marka ay miisaan dhimista wadaan xisaabiya xaddiga ama tirada Kaalori ee ay gubaan inta ay jimicsiga wadaan, laakiin dad badani waxa aanay ogeyn in kaalooriyadu aanay dhammaan isku mid ahayn. Tusaale ahaan, 100 kaaloori oo uu qofku ka helo iskiriin ama jallaato dux leh oo uu cunay, iyo 100 uu ka helo khudrad nooca ganka leh ah oo uu cunaa waa ay akla duwan yihiin, jidhkuna u kala baahi badan yahay, sidaa awgeed gubistooda midina faa’iido leedahay, midina aanay fiicnayn.
  3. Iska xamaynta dufanka: Dad badan ayaa aaminsan in dufanka oo ay gebi ahaantiiba iska daayaan ay miisaankooda dhimmi doonto. Sida ay caddeeyeen xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu xaqiijiyeen runtu waxa ay tahay in jidhku si caafimaadkiisa u ilaashado, hawlihiisa dabiiciga ahna si caafimaad qabta oo sax ah u dhammaysto, uu u baahan yahay xaddi dufan ah, oo ah nooca jidhka faa’iidada uleh, dufannada ugu fiicanina waa saliid saytuunta, saliidda qumaha, saliidda Afakaadhada iwm. Haddii uu jidhku dufan oo dhan waayo, macnaheedu waa in uu waayayo curiyeyaal nafaqo oo jidhku la’aantii aanu habsami u shaqayn karin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here