Talooyin Muhiim Ah Qofka Ka Caawinaya La Dagaallanka Illowga Iyo In Maskaxdu Firfircoonaato

48
4874

Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa ka cawda illowga iyo fiirsiga oo ka luma, gaar ahaan marka shaqada iyo hawlaha maalinlaha ahi ku badan yihiin, qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka ah talooyinka la tijaabiyey ee ay khubarada caafimaadku soo jeediyaan xaaladdan oo kale.

– Hawlaha maskaxda ka shaqaysiiya: Talada ugu horreysaa waa in uu qofku ku dadaalo hawlaha iyo shaqooyinka kala duwan ee maskaxda ku kallifa fikirka iyo in ay aad u shaqayso, waxaa ka mid ah ka shaqaynta hal xidhaaleyaasha ereyada la kala googooyey ay tahay in la isla doonto ama waxa dhiman la raadiyo. Jimicsiyada kale ee maskaxda ka shaqaysiiya waxaa ka mid ah qofka oo shaqo cusub barta.

– Qofku waa in uu qortaa jadwal hawleedkiisa maalinlaha ah, sida shaqooyinka laga rabo in uu qabto iyo ballamaha muhiimka ah, kadibna uu kor u akhriyo mid kasta oo hawlahaas iyo ballamahaas ka mid ah iyo waqtiga uu qabanayo, taasi waxa ay u fududaynaysaa in uu hadhow si fiican u xasuusto hawliisa iyo sida ay u kala horreeyeen.

– Waa in uu qofku hurdo fiican seexdo, waayo waxa ay culimada caafimaadku caddeeyeen in hurdadu ay maskaxda ka caawiso xafidista iyo dib u xasuusashadaba.

– Jimicsigu waxa uu maskaxda ku abuuraa firfircooni, waxa aanu xoojiyaa xusuusta. Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in qofku uu maalin kasta 45 daqiiqo oo jimicsi ah sameeyo si ay u badato burqashada dhiiggooda jidhka ku wareegayaa, taas oo caawinaysa in uu dhiiggu si fiican u wada gaadho jidhka oo maskaxdu ka mid tahay, maskaxduna ay xusuusteedu kor ugu kacdo.

– Waxaa jira cuntooyin maskaxda firfircooni geliya, waxaa ka mid ah kalluunka duxda leh oo uu qofku ka faa’ido asiidhka dufanaysay ee Omega3 oo muhiim u ah shaqada maskaxda. Cuntooyinka kale ee Omega3 laga helana waxaa ka mid ah Beedka, Vitamin B Complex iyo Sinjibiisha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here