Suldaan Xirsi-Qani Oo Xisbiyada Ku Waaniyay Inay Ilaaliyaan Nidaamka Doorashada Iyo Nabadgelyada Qaranka

0
950

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay loolanka Xisbiyada, Doorashada Madaxtooyada iyo ololaha bilawga todobaadka dambe bilaabi doona,waxaanu talo iyo baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka, waxaanu ku taliyey inay Doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Kulanka uu Madaxweynuhu ku qaabilay Musharixiinta Xisbiyada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Olalihii Xisbiyadu wuxuu bilaabi doonaa bilawga todobaadka dambe, Xisbi walba maalmo yaciman ayaa loo qoodeeyey, ee waxaan ka digayaa inay Xisbiyadu is barbar yaacaan, oo dhib iyo isku dhac yimaado, talaydu waa Xisbi walba maalintiisa ololaha ha lagu tixgeliyo, oo is barbar yaaca ha laga dheerado,Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiyaduna, meel kale kama imanayaan ee waa Shacabka reer Somaliland ee si nidaam iyo anshax ku jiro Xisbiyada ha ugu soo baxaan, oo ololaha si nabadgalyo ku jirto ha ugu soo baxaan, oo ha ka dheeraadan wax kasta oo dhib iyo xumaan keeni kara, nabadgayadalana wax u dhimi kara”.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada tartan baa ka dhexeeya, waxayna ku tartamayaan sidii Xisbi waliba hogaanka dalka iyo xukunka dalka ugu guulaysan lahaa, ee waxaan leeyahay Xisbiyada si nadiif ah u tartama, oo ka dheerada wax kasta oo dhib iyo dhaawac ku ah qaranimadeena iyo nabadgalyadeenaba, sababtoo ah nabadgalyadu waa qaali, tacabka iyo dadaalka aynu u soo galayna weynu ka war qabnaa, ee aynu nabadeena wada ilaashano”.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, mar uu baaq u diraayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanku iyaga ayaa dhex u ah Xisbiyada, iyaga ayaa Garsoor u ah Xisbiyada, iyaga ayaa u xaqsooraya Xisbiyada, markaas xilka qaran ee hayaan waajibkeeda si daacadnimo ku jirto ha ugu soo baxaan, oo Doorasho lagu wada qanacsan yahay ha qabtaan”.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, mar uu ka hadlaayey kulanka uu Madaxweynuhu ku qaabilay Musharixiinta Xisbiyada ayaa yidhi “Waxana aad iyo aad u soo dhaweeynayaa kulanka uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay Xisbiyada, gaar ahaan Musharixiinta, si fiican ayuu Madaxweynuhu u hadlay, Musharixiinta iyo Masuuliyiintii kale ee iyana kulankaas ka soo qayb galay si fiican bay u hadleen, waxaana ALLE inooga baryayaa inay inoo dhacdo Doorasho wacan, oo lagu wada qanco”.