Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Oo Munaasibad Qado Sharaf Ah Ku Maamuusay Gudoomiyaha Shirkada Telesom+Sawiro

3
9629

Suldaanka Guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa munaasibad qado sharaf ah ku maamuusay gudoomiyaha shirkada Telesom Cabdikariim Maxamed Ii doo dhawaan ku guulaystay abaal marinta hogaamiyaha Technology-yada Afrika.

Munaasibadan oo ka dhacday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay siyaasiyiin, ganacsato, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale oo qiime leh.

Ugu horeyn Suldaanka Guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka hadlay munaasibadan uu ku maamuusay gudoomiyaha shirkada Telesom y ayaa sheegay in ujeedada kulankani daaran tahay  guusha balaadhan ee gudoomiyaha shirkada Telesom u hooyey qaranka somaliland, isaga oo xusay in guusha ay shirkada Telesom gaadhay ay la mid tahay mid ay somaliland oo dhami gaadhay, waxaanu kula dardaarmay in shirkadu ay sii wado dedaalka ay ku jirto.

Gudoomiyaha shirkada Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo isaguna ka hadlay munaasibadan uu Suldaan Cumar ku maamuusay ayaa ka mahad celiyey kulankaas lagu wayneeyey guusha uu gaadhay.

Gudoomiye Cabdikariin Maxamed Iid ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo munaasibadaas qadada ah ku sharfay.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato iyo dhakhaatiir kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey guusha uu dalka somaliland u soo hooyey gudoomiyaha shirkada Telesom Cabdikariin Maxamed Iid.

Ugu dambayn Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa gudoomiyaha shirkada Telesom gudoonsiiyey abaal marin uu ugu tala galay oo uu ku dhiiri gelinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here