Suldaan Cabdillaahi Iyo Suldaan Maxamed Xirsi-Qani Oo Yididiilo Wanaagsan Ka Muujiyay Soo Afjarida Colaadda Ceel-Afweyn

57
3926

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani,oo ah Salaadiinta guud ee labada beelood ee dagaaladu ku dhex mareen Deegaanka Ceel-afweyn, ayaa rajo wanaagsan iyo kalsooni buuxda ka muujiyey Shirkan hadda furmay, waxayna xuseen in is fahan iyo heshiis dhab ah lagu soo afmeeri doono Shirkan.  Labada Suldaan ayaa u waramay Wargeyska Geeska Afrika.

Suldaan Cabdillaahi

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo la hadlaya Geeska Afrika ayaa yidhi “Shirkii wuu bilawday, si fiican buu u bilawday, Dawladda, Madaxda Qaranka Iyo Culimaduba wey iskugu timid, waa la iskugu wada yimid, si aad u wanaagsan, baa loo bilaabay, looguna ducaystay, Shirkuna si fiican buu u soconayaa,niyad samida dadka, iyo dadaalka la wadana,  wuxuu Shirku  ku soo dhammaan doonaa wanaag, natiijo aad u fiicana wey ka soo bixi doontaa insha allaah, natiijadaas oo noqon doonta tii lagu nasan lahaa, Shirkana wuxuu noqon doonaa kii lagaga bixi lahaa dhibaatada, aad iyo aadna waanu ugu rajo wanaagsan nahay, Shirkana Guddi dhexe oo Somaliland ayaa qabatay, xilalkii iyaga ayaa lagu wareejiyey, iyaga ayaa kiiska wadaya, reeruhuna wey ku kalsoonadeen, aad baa loo duceeyey, boqolkiiba boqolna wanaag ayey wax walba inoogu dhammaan doonaan A;LLENA aqbal baynu ka sugaynaa”

Suldaan Xirsi Qani

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, oo isna ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Shirkan furmay iyo sida uu filayo inuu ku soo dhammaado, ayaa yidhi “Shirkii si fiican buu inoogu furmay, wuxuunu ku furmay kalsooni buuxda, ujeedada Shirkan loo qabtayna waa daminta colaada labada reer ee walaalaha ah, sababta Shirkan loo qabtayna waa sidii loo heshiisan lahaa, gacanta la iskugu saari lahaa, colaadoodana loo damin lahaa labadan reer ee walaalaha, ee aan meelna kala tagayn, Culimadii dalka ugu waaweynaa, Madax-dhaqameedkii, Siyaasiyiintii iyo Dawladduba waxay ka damqadeen colaadan, ALLENA khayr, is afgarad wanaagsan wax walba ha inoogu dhammeeyo, Shirkaasna ALLE ha inooga dhigee, wuxuu inoo noqon doonaa Shir khayr iyo wanaag inoogu soo dhammaada, mar walba islaaxa iyo wada jirka aynu ka wada shaqeeyno, oo aynu ka dheeraano wax kasta oo colaada keenaya haba yaraate, ALLENA khayr ha siiyo cid kasta oo u soo gurmatay labada reer ee walalaha ah, ALLE khayr ha siiyo cid kasta oo colaada labada reer ka naxay, kana murugooday, ALLE khayr ha siiyo cid kasta oo colaasha uga ducaysay in labada reer nabad ku wada nooladan, ALLENA u bariday”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here