Sucuudiga Oo Dumarka Dalkaas Uga Digtay Noocyo Indhakuusha Ka Mid Ah Oo Khatar Ku Ah Caafimaadka

47
3661

Hay’adda tayada cuntada iyo dawada ee dalka Sucuudiga ayaa dumarka dalkaas uga digtay saddex nooc oo ka mid ah indhakuusha, kaddib markii la ogaaday in noocyadan mid ka mid ah ay ku badan tahay maadadda balambamka (Leads), halka tan kalana ay ku badan tahay maadaddan iyo maaddooyinka kale ee Antimoni iyo arsenic iyo maaddooyin kale.

Warmurtiyeed lagu faafiyey wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in hay’addani ay baadhis ku samaysay saamballo ka mid ah indhakuusha taalla suuqyada si loo hubiyo badqabkeeda. Waxa aana ka soo baxday in ay noocyadan indhakuusha ay ku badan yihiin maaddooyinka aynu soo xusnay.

Warmurtiyeedka waxaa lagu sheegay in maadadda ‘Leads’ iyo guud ahaan maaddooyinka kale ee ku badan noocyadan indhakuusha ka mid ahi ay khatar ku yihiin caafimaadka qofka.

Warmurtiyeedka digniinta ah waxaa lagu sheegay magacyada noocyada indhakuusha ah ee khatarta ku ah caafimaadka, waxa aanay yihiin:

– Indhakuusha ‘Al-Athmad Al-Aswad’ oo ah indhakuul leh biyaha samsamka, iyo indhakuusha Ward Surmaa Maamiira Al-Xaramayn: kuwaas oo ay sida oo kale dusha sare kaga qoran yihiin magacyo laatiini ah oo u qoran: ‘AL-ASMAD EYELINER BLACK’ iyo AL-ASMAD ALHARMAIN ZAM ZAM & ROSE WATER’

Hay’addu dadka indhakuushan isticmaala waxa ay kula Talisay in ay sida ugu dhaqsaha badan u joojiyaan isticmaalkeeda. Mustaqbalkana ay ka feejignaadaan meelaha ay wax ka iibsanayaan in ay yihiin kuwo lagu kalsoon yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here