Soonka Iyo Sixada (27): Cuntooyinka Xilliga Soonka U Fiican Dadka Waayeelka Ah

Published on Jun 13 2018 // Googooska Geeska

 

Hargeysa (Geeska)- Calool istaagga iyo mararka qaarkood nafaqadarradu waxa ay ka mid yihiin xaaladaha uu qofka waayeelka ahi kala kulmo soonka. Nidaam cunto oo caafimaadka u fiicani waa tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qofku ku wanaajin karo xaaladdiisa caafimaad. Waxa aana muhiim ah in maskaxda lagu hayo in hal cunto oo qofka da’da ahi uu joogteeyo, xitaa haddii ay tahay cuntada u fiican caafimaadka, in aanay keenayn nafaqada uu jidhku u baahan yahay oo dhan, ama kuba keeni karto dheelli ku yimaadda. Taasina waxa ay daciifisaa awoodda uu jidhku u yeelanayo in uu iska difaaco xaaladaha caafimaad darro ee dadka waayeelka ah aad ugu bata xilliga soonka. Xaaladahaas oo ay ka mid yihiin; xanuunka dila unugyada maskaxda ee Alzheimer ka, wadne wareenka, dhiigfuranka maskaxda iyo faaligga iyo lafo burburka oo dhammaantoodba la ogyahay in sababaha ay ku yimaaddaan ay nafaqo xumadu ka mid tahay.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa cuntooyinka caafimaad ahaan lagula talinayo qofka waayeelka ah ee soomaya, si uu xaaladahaas uga badbaado.

Tufaaxa: Waa il fiican oo laga heli karo Bootaasiyamta, lidka mariidka, Faytamiin Siiga muhiimka u ah ka hortagga kaarka iyo nabarowga. Waxa ay ka hortagtaa calool istaagga. Xabbad keliya oo uu qofku cuno ayaana ku filan in heerka sonkorta dhiiggu uu noqdo mid xasiloon, isaga oo sida oo kalana yareeya kalastaroolka aan fiicnayn.

Khudradda cagaaran iyo caleenta: Qofka waayeelka ah waa in aad loo siiyaa khudradda gaar ahaan noocyadeeda caleenta ah, oo ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in ay ka hortag u noqon karto cudurka dila unugyada maskada ee Alzheimer ka.

Cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda Annals of Neurology ayaa sheegtay in uu xidhiihd ka dhexeeyo hoos u dhaca khudradda cagaaran ee uu qofku cunayo, sida koostada iyo kaabashka iyo hoos u dhaca ku yimaadda awoodda garasho ee maskaxda qofku marka uu weynaado.

Kalluunka: Kalluunka noocyadiisa ay ka mid yihiin Solomonka, Tuunaha iyo Sardiinigu waxa ay hodan ku yihiin asiidhka duxda leh ee Omega3 oo lagama maarmaan u ah caafimaadka wadnaha. Waxaa iyaguna la mid ah dhinaca Omega cuntooyinka ay ka mid yihiin Faasuuliyaha, saliibka (Qoondarka) iyo saliidaha caafimaadka u fiican oo dhammaantood kalluunka beddel u noqon kara, dhinaca Omega3 marka laga hadlayo.

Beedka: Waxaa beedka ku jira iskudhiska ‘Choline’ oo ah faytamiin ‘B’ faa’iido badan u leh xusuusta, sida oo kalana jidhka ka caawiya in uu la qabsado khalkhalka ku yimaadda saacadda bayoolojiga ah xilliga soonka.

Sida oo kale Beedku waxa uu ka mid yaha yilaha ugu muiimsan jidhku ka helo faytamiinnada, barootiinnada, asiidhada Folic iyo macdanaha kala duwan ee ay ka mid yihiin Selenium, Phosphorus iyo Calcium.

Bunka: Bunku qofka weyn la siiyo xilliga soonku waxa uu ak fogeynayaa xanuunka Alzheimer ka, xanuunnada wadnaha iyo habdhiska neefshida ku dhaca, faaligga iyo dhiigfuranka maskaxda iyo macaanka.

Waxaa xusid mudan in bunka badani aanu guud ahaan u fiicnayn caafimaadka, gaar ahaanan dadka waaweyn oo ay tahay in ay ka taxaddaraan.

Caanaha: Caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegaa waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka u fiican dheefshiidka ee sida gaarka ah muhiimka u ah xilliga soonka. Waxaa ku badan barootiinta, waxa aana ku yar macaanka, sida oo kale waxa uu jidhku ka helaa Kalshiyaamta lagama maarmaanka u ah caafimaadka lafaha. Qofka weyn waxaa u fiican in uu inta soonka maalintii saddex jeer cabbo caano aan dufanku ku badnayn.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!