Soonka Iyo Sixada (24): Soonku Waa Caafimaad Jidheed Iyo Mid Maskaxeeda Labadaba

44
2978

Hargeysa (Geeska)- Xilliga bisha soonqaad lagu jiro waxaa is beddela habnololeedka qofka muslimka ah, cunto ahaan iyo xitaa marar badan shaqo ahaanba. Waxaa ku jira faa’iidooyin caafimaadka jidhkeed iyo ka nafsiga ahba taabanaya, faa’iidooyin bulsho iyo barbaarineed. Waa bil qofku naftiisa iyo jidhkiisak u tababari karo sabirka, nafta oo laga adkaado, laguna barbaariyo in ay ka tagto caadooyinka xun ee cunto ee caafimaadka wax u dhimaya. Waa fursad dahabi ah oo uu qofku ku bilaabi karo habnololeed caafimaad ahaan saxan, kaalin weyna ka qaadan kara dhimista miisaanka jidhka iyo xakamaynta macaanka dhiigga. Waxaa intaas dheer in soonku uu xoojiyo isla markaana cusboonaysiiyo shaqada dhammaan habdhisyada jidhka iyo xubnaha, iyo in uu jidhka ka saaro qashinka ku ururayey sannadka oo dhan, dhiiggana ka yareeyo dufanka.

Haddaba imika oo aynu joogno dhammaadka bisha soonqaad, waxaa muhiim ah in qofka muslimka ahi aanu maalinta ciidka laga bilaabo tuurin duruustii iyo tababarradii uu bisha dhan soo qaadanayey, sida in badan dhacda, tusaale ahaan waa in uu ku dadaalo in sannadka oo dhan uu ku sii socda habka is xakamaynta dhinaca cuntada ah ee uu soo waday iyo in xilliga soonka la sameeyo jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo ah, iyada oo ay khubarada qaar sheegayaan in salaadda habeenkii ee taraawiixdu kaaga filan tahay jimicsigaas, laakiin soon kaddibna waa in caado laga dhigto, oo weliba jimicsigaasi uu noqdo laba saac cuntada kaddib.

Talooyinka ay tahay in aynaan ka tegin ramadaan kaddib waxaa ka mid ah: In aynu ka fikirno noocyada cunto iyo xaddiga cunto ee aynu cunayno. Waxaa muhiim ah in cuntada waqti go’an aynu u samayno, oo aanay xilliyadeenna cuntadu noqon kuwo marba saacaddii la doono ah, waxaa iyaduna qasab ah cuntada si tartiib ah loo cuno iyo in aad loo calaaliyo.

Xilliga soonka talada ugu fiicani waa in suxuurta iyo afurka dhexdiisa biyo badan la cabbo, laakiin soon kaddibna waa in biyahaas badan jidhka la siiyo oo aan laga daalin.

Afurka

Afurka u qaybi laba waqti; ku bilow midhadh timir ah iyo biyo, kaddib cab shurbad/mashaali diirran, waxa ay diyaarinaysaa shaqada dheefshiidka. Qaybta labaad oo ah ta aynu cashada u naqaannaa waxa ay ku fiican tahay marka taraawiixda laga soo baxo, waana in ay noqoto cuntada ugu muhiimsan, uguna badan ee aynu cunayno.

Suxuurta

Suxuurtu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka muhiimka ah xilliga soonka, waayo waxaa la ogyahay in ay qofka ka yarayso gaajada maalinnimada soonka. Waxa ay dhakhaatiirtu ka digayaan in qofku uu suxuurta iska daayo, maadaama oo ay jidhka u tahay diyaargarow fiican oo cunto qaadasho.

Suxuurtu waxa ay ku jirtaa kaalinta quraacda ee waqtiga aan soonka ahay, sidaa awgeed cuntooyinka quraacda ayaa ku filan qofka, sida caanaha iyo kimista / roodhiyaha iwm, beedka, khudradda iwm. Waxa se aad looga digaa in lagu suxuurtu Shuwaarmada, saanwiijka, cuntada busbaaska badan ama dufanka xad dhaafka ah lagu yaqaanno. Suxuurta waa in intii suurtagal ah dib loo dhigo si jidhku uu u helo awood uu ugu adkaysto saacadaha badan ee soonka.

Ugu dambayntii qofka bisha soonqaad u dhammaato isaga oo dhammaystay soonkiisa waxaa lagula talinayaa in cibaadada ka sokow, in soonka laga dhigto hab miisaanka lagu dhimayo, loona adeegsan karo xeelad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here