Soonka Iyo Sixada (23): 7 Ka Mid Ah Cuntooyinka Laga Helo Madbakha Soomaalida Oo Dawo Fiican Noqon Kara

0
1204

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga mid ahi aanay ogeyn in dawo ahaan loo isticmaali karo, ma’aha in cunistooda oo keliyi dawo tahay, balse sida oo kale maris ahaan loogu adeegsan karo dawo.

Loren Bowen oo ah qoraa u dhalatay dalka Maraykanka oo ku xeeldheer calaamadaha ganacsiga ayaa dhowaan iftiimisay in ay jiraan cuntooyin madbakh kasta laga helo oo loo isticmaali karo dawo ahaan, waxa aana ka mid ah:

1. Malabka: Malabku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka kijada laga helo, waxa se la moogan yahay in uu yahay dawo aawood badan o Odisha bakteeriyada iyo Jeermiska, dawo lagula dagaalamo ololka iyo karaka, dawo loo adeegsan karo dhayidda nabarrada furan, isla markaana noqon kara dhiiqo la mariyo goobaha jidhka ee gubta, isaga oo u shaqaynaya qaabka dawooyinka Antibaayootigga.

Waxa ay dhakhaatiirtu qirsan yihiin in Malabku uu nabarrada u bogsiin ogyahay si ka dhaqso badan dawooyinka, sida oo kale waxaa loo adeegsan karaa saabuun wejiga lagu dhaqo, si loogu daweeyo nabarrada iyo baraha wejiga ku samaysma.

2. Muuska: Muuska diirkiisa waxaa loo adeegsan karaa dawo ilkaha caddaysa oo lagu nadiifiyo. Dhinaca gudaha/hoose ee diirka muuska ayaa ilkaha lagu xoqayaa muddo daqiiqad ah, kadib isaga oo ku yaalla ayaa lagu deynayaa muddo 100 daqiiqo ah, markaas kadib ayaa la isticmaalayaa burushka ilkaha oo ingagan, si ilkaha looga nadiifiyo hadhaagii diirka muuska.

3.  Saliid Saytuun: Saliid saytuuntu waxa ay ka mid tahay saliidaha ugu fiican dhinaca cunto karinta, laakiin waxtarkeedu intaas kuma eka, ee waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la isku qurxiyo, maqaarkana lagu daryeelo, waxa aana loo adeegsadaa nadiifiye, iyo dux siiye qurxiya maqaarka iyo timaha. Waxa kale oo ay saliid saytuuntu dumarka ka caawisaa in ay iska tirtiraan bootarrada iyo kiriimada weji-qurxinta ‘Makeup’ oo inta badan aanay biyuhu si fiican sahal ugu wada maydhi karin.

4. Khalka Tufaaxa: Khalka tufaaxa oo ka mid ah cabbitaannada dibadda laga keeno laakiin magaalooyinka Soomaalida laga helo ayaa ka mid ah dareerayaasha loo isticmaali karo nadiifinta jidhka iyo timaha. Khalkani waxa uu wejiga iyo guud ahaan maqaarka ka maydhaa hadhaaga kiriimada, saabuunaha, Shaambooga, saliidaha madaxa iyo walxaha kale ee kiiimikadu ku jirto ee dadku isticmaalo.

Khalkan waxaa ku jira asiidh, timaha xoojiya si aanay u go’in isla markaana siiya nafaqo fiican oo koritaanka ka caawisa.

Isticmaalka: Koob badhkii oo Khal Tufaax ahayaa lagu darayaa Afar koob oo biyo ah, iyo in yar oo Shaamboo ah, kadibna timaha lagu maydhayaa.

5. Liin dhanaan: Baraha iyo nabarrada madow ee ku samaysma maqaarka waxaa lagu nadiifin karaa liin dhanaanta, sida oo kale waxa ay kaxaysaa madowga iyo finanka yaryar ee madow ee ku samaysma wejiga, suxullada iyo jilbaha. Liin dhanaanta haddii timaha lagu maydho waxa ay u soo celisaa dhalaalka dabiiciga ah, waxa aanay nadiifisaa daloollada dabiiciga ah ee maqaarku leeyahay si aanay wasakhdu ugu noqon dabool xidha.

6. Tamaandhada: Tamaandhada waxaa loo adeegsan karaa in mararka qaarkood inta guriga la joogo wejiga lagu dhoobo/dhahaadho si loogaga ilaaliyo dhaawaca iyo dhibta ka soo gaadhi kara fallaadhaha qorraxda ee dhibaateeya maqaarka.

7. Qorofalka: Haddii aad khaati ka taagan tahay Findoob, ama finan yaryar iyo nabarro wejiga ah, waxa aad ogaataa in qorafalku uu yahay xalka ugu fiican.

Qorafalku waa dawo Antibaayootig ah oo la dagaalanta Bakteeriyada, waa dawo loo isticmaalo ololka jidhka. Isticmaalka qorafalku waxa uu jidhka ka caawiyaa in ay soo gaadhaan walxaha mariidka/sunta cuntada ka dhalata la dagaalamaa. Waxa aanu dilaa bakteeriyada dhaawaca ku keenaysa. Qorafalku waxa uu maqaarka ka kaxeeyaa midabka madow ee fuula iyo baraha ku samaysma oo inta badan la arko marka laga bogsado findoobka.

In yar oo qorafal budo laga dhigay ah ayaa lagu darayaa in yar oo malab ah, kadib waa la isku cajiimayaa, waxa aana la marinayaa goobaha wejiga ama maqaarka kale uu madowga iyo baruhu kaga samaysmeen.