Soonka Iyo Sixada (21): Soonka Iyo Xaaladaha Shubanka

45
3889

Hargeysa (Geeska)- Xilliga soonku waxa uu caan ku yahay calool istaag badan, laakiin mararka qaarkood waxaa dhici karta in isbeddelka cunto iyo waqtiyada cunto, ama cillad kale ay qofka soomaya ku keento shuban aad u badan. Talada caafimaad ee ugu habboon in lagu waajaho xaaladdan oo kale ayaa ah in inta badan aanu shubanku wax khatar ah ku keenin qofka, laakiin ay jiri karaan xaalado dhif ah oo ay tahay in feejignaan dheeraad ah uu muujiyo.

Tusaale ahaan haddii uu shubanku muddo gaaban ku joogsado, ama uu marka horeba ka dhashay xaalad dabiiciya, oo la xidhiidha isbedellada caadooyinka cunto, ama ay jirto cillad kale oo uu dhakhtarku caddeeyey in aanu soonku waxba u dhimayn, qofku waa uu sii wadan karaa soonkiisa. Waxa uun ay taladu tahay in marka uu afuro uu ku dadaalo in uu cabbitaan badan jidhka geliyo si uu uga soo kabto fuuqbaxii ku dhacay.

Haddii uu shubanku yahay mid aad u daran, muddo dheerna soconaya, isla markaana la caddeeyey in uu ka dhashay fayras, oo daweyntiisu aanay ka maarmayn dawooyinka jeermi-dilaha ah (Antibiotic), waxa ay talada dhakhtarku tahay in qofku uu soonka joojiyo inta xaaladdaas laga daweynayo. Waxaa la mid ah, marka uu shubanku wato xaalado ay ka mid yihiin matag, ama madax xanuun xoog ah. Waxaa la mid ah shubanka soo noqnoqda muddo gaaban gudaheed ee ay qasab noqoto in fuuq-celin qofka loo sameeyo ama dhakhtarku uu sheego in qofku aanu soonka sii wadi karin.

Afurka iyo qofka shubmaya

Qofka soomaya ee xaalad shuban ah ku jira, waxaa lagual talinayaa in afurkiisu uu u bato cabbitaanno iyo maaddooyin leh macdanaha fuuq-celinta u noqon kara jidhka. Waa in uu afurka kaddib cabbo biyo aan ka yarayn laba litir. Waa in uu ka fogaado cabbitaannada leh maadadda ‘Caffeine’. Waa in aanu cunin cuntooyinka shiilan iyo kuwa dufanku ku badan yahay, sida oo kalana waa in uu ka fogaado macmacaanka iyo sonkorta.

Bariishka iyo baradhadu waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka u fiican shubanka, waxa se muhiim ah in qofku muddada uu shubmayo iska ilaaliyo cuntada galku ku badan yahay. Ugu dambayntana waa in uu qofku dhowro nadaafadda cuntada uu cunayo.

Suxuurta iyo shubanka

Qofka shubmaya ee doonaya in uu soomaa waa in uu suxuurtiisa ka ilaaliyo cuntada galka leh, ogaadana in bariiska, khubuska iyo cuntada burka/daqiiqada duban ah iyo baradhadu ay u fiican yihiin shubanka. Waa in uu ka fogaado cuntada duxda leh, biyo badan uu cabbo, isla markaana raadsado cuntada leh maadadda Potassium (Bootaasiyam) sida muuska. Qofka shubmaya ee soomani waa in uu iska ilaaliyo fallaadhaha qorraxda, iskana daayo shaqo kasta oo judi iyo hawl dheeraad ah u baahan.

Xaaladaha ay tahay in uu soonka jebiyo

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofka sooman ee calooshu si aad ah u socotaa, uu soonka jebiyo, haddii uu isku arko calaamadahan midkood:

– Kaadida oo midabkeeda madow galay, ama si aan dabiici ahayn u yaraatay.

– Garaaca wadnaha oo kordhay.

– Madax xanuun, ingag uu maqaarkiisa ka dareemo iyo matag ama yalaalugo badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here