Sonkorta Oo La Ogyahay Khataraheeda Caafimaad Ee Tirada Badan Ayaa La Ogaaday Cudur Ay Ka Dawo Tahay

52
3353

London (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Ruushka ayaa sonkorta caadiga ah u beddelay iskudhis cusub oo dawo waxtar leh ka noqon kara cudurka hargabka. Cilmibaadhiso ay sameeyeen saynisyahannada ku xeeldheer cilmiga kiimakada ayaa soo saartay natiijo muujinaysa waxtar caafimaad oo ay leedahay dawo ay ka sameeyeen sonkorta.

Jan Costero oo ah haweenay cilmibaadhe sare ah oo ka tirsan maxadka kimistariga ee Irkutsk oo ku yaalla dalka Ruushka ayaa mar ay ka hadlaysay sida ay u shaqaynayso dawadan cusub ee ay daraasaddoodu soo saartay waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Maadaddan aanu soo saarnay si toos ah uma waxyeelaynayso fayruuska cudurkan sababa, mana dilayso, laakiin waxa ay ka ilaalinaysaa in uu ku dhex faafo unugyada gudahooda iyo dibaddoodaba, sidaa awgeed Fayruusyadu ma’ helayaan meel ay ku tarmaan”

Saynisyahannada Ruushka ayaa muddo 5 sano ah ku hawlan cilmibaadhiso dheeraad ah oo ay ku samaynayaan maadaddan cusub ee sonkorta ay ka sameeyeen, iyaga oo tijaabooyin kala duwanna ku sameeyey jiir, waxa aana u qorshaysan in muddo 2 sano gudaheed ah ay ka dhigi doonaan dawo rasmi ah oo laga helo suuqyada dawada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here