Somaliland Oo Maanta Lagu Soo Wareejinayo Nin Dil Ka Gaystay Deegaanka Baarcad Oo Baxsaday

0
474

Maanyare(Geeska)-Badhasaabka gobalka Oodweyne Jamaal Xuseen Hurre, ayaa sheegay inuu ku sugan yahay magaaladda Maanyare oo ka mid ah Kilika Shannaad, halkaas oo uu u tagay sidii loogu soo wareejin lahaa nin dhawaan dil ka gaystay degmada Baarcad oo tuuladaas oo ka tirsan Oodweyne, balse u baxsaday dhinaca xuduudka Itoobiya.

Guddoomiye Hure waxa uu sheegay in muumulka Kililka Shannaad ee magaaladaas Baaracad ay ka wada shaqaynayaan sidii gacanta loogu soo galin lahaa ninkaas maanta,waxaanu beeniyay warar dhawaan ay sheegeen odayaal reer Saaxil ah oo wasiirka daakhiliga ku eedeeyay inuu dhayalsaday soo qabashada gacan ku dhiiglahaas.

Guddoomiye Jamaal Xuseen waxa uu sidan ku sheegay mar uu xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu isaga oo ka hadlaaya arimahan uu yidhi“Waxaan tagay tuulada Maanyare oo ku taala dhinaca kilika shannaad, ujeedaduna waxay ahayd in nalagu soo wareejiyo nin dil ka gaystay deegaanka Baarcad ee Oodweyne oo jiidaas u baxsaday, waxaanan shir la yeelanay odayaasha raaska halkaas degen iyo maamulka tuuladaas, waxaanu isla garanay in nalagu soo wareejiyo maanta ninkaas.”

Ninkan ayaa labaataneeye maalmood ka hor markii uu dilka gaystay wuxuu u fakaday dhinaca kililka shannaad ee Somalida Itoobiya, waxaana la filayaa in maanta lagu soo wareejiyo gacanta Somaliland.

Badhasaabka Oodweyne, wuxuu sheegay inay hawlgalka soo qabashada ninkan ku weheliyaan xubno ka tirsan guurtida, taliyaha qaybta booliska Oodweyne, maamulka degmada gaashaamo iyo odayaal kale.

Ugu dambayn wuxuu beeniyay eedda ay odayaal reer Saaxil ahi u jeediyeen wasiirka daakhiliga ee ah inaanu waxba ka qabanin soo qabashada ninkaas. “Waxa kale oo aan beeninayaa warkii ku soo baxay saxaafadda ee ahaa eedayntii inuu wasiirku waxba ka qaban waayay oo lagu eedeeyay inaanay dawladu gacan ka gaysan soo qabashada ninkaas. Taasna waxaan leeyahay hawlgalka sidaas ayaanu ugu jirnay waxaana cadaatay in maamulka tuuladaasi inankaas hayaan,waxaanan isla qaadanay inay nagu soo wareejiyaan, si labada beelood ay u kala badbaadaan.”