SOLJA Oo Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Wada Shaqaynta Baarlamaanka Iyo Saxaafadda

0
528

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ururka Saxaafada Somaliland ee SOLJA ayaa qabtay kulan ay ku xoojinayeen xidhiidhka ay la leeyihiin golaha wakiilada, waxa uu ururku kulankaas ku sheegay in ay doonayaan in xildhibaanadu ay ka hawlgalaan xeerkii hore ee saxaafadu ay lahayd oo madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu saxeexay.

Ugu horayntii xilidhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo arintaas ka hadlaayay waxa uu yidhi“Xeerku waxa uu soo marayaa golaha wakiilada sida oo kale waxa uu marayaa guuritda waxaan saxeexaya madaxweynaa, haddii uu xeerkaas madaxweynuu saxeexay sidiisa ayuu u hirgalayaa oo cid joojin karta ma jirto.”

Xoghayaha ururka saxaafada ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo isaguna kulankaas ujeedadiisa ka hadlaayay waxa uu yidhi“Dhibaato badan ayaa haysatay saddexdii sanno ee u danbeeyay saxaafada Somalialnd, dad badan ayaa sheega in aanay saxaafadu xeer  lahayn, waxay leedahay saxaafadu xeer dhamaystiran oo ay ansaxiyeen labadii gole sharci dajin, madaxweynii hore ee Somalilandna saxeexay,sidii loo dhaqan galin lahaa xeerkaas baarlamaankuna noogala shaqayn lahaa ayaanu kulankan u qabanay, waxaanu anaguna baarlamaanka kala shaqaynaynaa xeerkasta oo sameeyaan sidii loogu faafin lahaa, sidii loo dabo gali lahaa sidii waxii ka soo baxa golaha sharci darjintu ay u gaadhi lahaayeen garsoorka.”

Ugu danbayntii xildhibaan Siciid Maxamed Cali ayaa isaguna dhankiisa ku tilmaamay xeerkii hore ee saxaafada mid xal u ah mushkiladaha jira“Anigu waxaan qabaa cabashooyinkaas waxa lagu xalin karaa xeerkaas 47/2004.Xeerka madaxweynuu saxeexay ee golayaasha oo dhan maray,garsoorkii dalka dhexda u ahaa maxuu u filin waayay .”