“Sinaba U Suuro Gali Mayso In Komishan Lagala Noqday Kalsoonidii Uu Doorasho Dambe Inoo Qabto”

25
2615

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mud.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), ayaa sheegay inay ka xisbi ahaa diyaar u yihiin inay doorashada wakiilada iyo golaha deegaanka ay ka qaybqaataan balse aanay suurto gal ahayn inay qabtaan doorashadaas komishanka ay kalsoonida kala noqdeen.

Waxa uu guddoomiye Cirro sida oo kale sheegay inay doonayaan in colaadaha Ceel-afweyn iyo Tuka-raq nabadgalyo laga gaadho ka xisbi ahaana ay nabada ka shaqayn doonaan, waxaanu arimahan kaga hadlay kadib markii uu dalka ku soo laabtay muddo afartan casho ku dhaw oo uu dalka dibadiisa ku maqnaa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mud.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Cigaal, waxaana isaga oo soo dhawayntiisaas kadib la hadlaayay warbaahinta uu yidhi “Waxaanu Alle uga mahad naqaynaa inaanu nabad ku soo noqonay dalkayagii anaga oo muddo ilaa afartaneeyo casho ah ku maqnayn safar hawleed, waxaanu safar shaqo ugu baxnay aniga iyo xoghayaha xuquuqul iinsaanku Marwo Faadumo Siciid, dalal ka mid ah qaarada Yurub oo ay ka mid ahaayeen Belgium,Sweden, Denmark iyo dalka Germany, dalalkaas waxaanu kula kulanay madax kala duwan waxaanuna ka qaybgalnay  shirar kala duwan, waxaanu guud ahaan kala hadlaynay arimaha Somaliland iyo qadiyadeeda, waxaanu kala hadlaynay arimaha nabadgalyada, arimaha horumarka arimaha doorashooyinka, arimaha shaqo abuurka iyo ciyaaraha kulamadaasi runtii si wanaagsan ayay noogu qabsoomeen, waxaanu is leenahay da’daalka loogu jiro Somaliland iyo badhitaarkeeda ayuu qayb muhiim ah ka ahaa safarkani, mid waan xusayaa oo waxaad moodaa in meeqaamkii ay Somaliland ka joogtay arimaha dibada  inuu hoos u dhacay mudooyinkii danbe ee xukuumadaha kala danbeeyay ay joogeen, laakiin waxa laynooga baahan yahay da’daal intii ka badan inaan samayno guud ahaan shacbi,asxaab iyo qurba joogba dhamaanteen.”

Guddoomiye Cirro waxa uu ka hadlay doorashooyinka dalka ku soo foolka leh”Xisbigu waxa uu diyaar u yahay  inuu si buuxda uga qayb qaato doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka hasa yeeshee waxaad ka war qabtaan inuu xisbigu kalsoonidii kala noqday gudida doorashooyinka  qaranka, sidaas daraadeed sinaba u suuro gali mayso in komishan lagala noqday kalsoonidii uu doorahsooyin danbe inoo qabto.”

Ugu danayntii guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), waxa uu ka hadlay colaadaha Jiida iyo Ceel-afweyn, isagoo diray baaq nabadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here