Sidan Ayaa Aad Talefankaaga Gacanta Uga Dhigi Kartaa Qalab Casri Ah Oo Aad Wax Ku Basaasto

24
2555

Moosko (Geeska)- Barnaamijka cusub ee Haven, oo uu samayntiisa leeyahay Edwardo Snowden horumarintiisana weli wado, waxa uu awood u leeyahay in uu taleefanka gacanta ee casriga ah ka dhigo qalab sirdoon oo dabagalka iyo basaasidda aad kaaga caawinaya. Keliya waxa aad u baahan tahay in aad haysato laba taleefan oo ku shaqaynaya barnaamijka Android ka oo aad labadaba ku soo dejisato barnaamijkan cusub ee ‘Haven’, kaddibna midkood dhigto goobta aad u baahan tahay in aad dhaqdhaqaaqa ka jira la socoto, sida xafiiska, qolka iwm.

Barnaamijkan cusubi waxa uu awood u leeyahay in isla marka uu agagaarihiisa ka dareemo cod, uu iskii u shido rikoodhka codka duuba ama codbaahiyaha gaarka ah ee taleefanka gacanta, kaddibna uu duubo codka.

Isla markaana isaga oo isticmaalaya kamaradda taleefanka duubaya muuqaalka cidda ka soo agdhowaata goobta uu ilaalinayo. Waxa kale oo uu awood u leeyahay in uu sheego, haddiiba ay dhacdo in taleefanka halkii la dhigay cidi ka dhaqaajiso ama ka qaaddo. Isaga oo isla marka dhaqaaq ama in gacani qaadday uu dareemo dhaqso farriin ishaaro ah ugu soo diraya taleefankii kale ee uu ku xidhnaa ee uu qofka wax basasaayaa haystay.

Barnaamijka ‘Haven’ waxa uu dhaqso taleefanka uu ku xidhanyahay ugu dirayaa faylashii codka iyo sawirradaba lahaa ama fiidyowga ahaa ee uu duubay. Haddiiba sida mararka qaar dhici karta, aanad doonayn in ishaarooyinka iyo farriimaha taleefanka aad wax ku basaasaysaa joogto kuugu soo dhacaan, waxa uu barnamaijkani kuu suurtogelinayaa in uu kuugu duubo kuuguna ururiyo qayb kayd ah oo uu taleefankaaga dhexdiisa ka samaysanayo. Ishaarooyinka uu soo dirayo taleefanka gacanta (Signals) ee barnaamijkan ‘Haven’ ku jiraa waa kuwo xafidan oo aan looga baqayn in ay meel kale maraan, waxa aaanu barnamaijku u diiwaangashan yahay Edwardo Snowden.

‘Haven’ isaga oo ah bilaash, laakiin tijaabo loogu talagalay waxa uu ku jiraa suuqa barnaamijyada laga soo dejisto ee talefankaaga android ka ku shaqeeya. ‘Google Play’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here