Si Aad U Xakamayso Waqtiga Ordaya Yaree Isticmaalka Tiknoolajiyadda Oo Baraha Bulshadu U Horreeyaan

28
4324

Paris (Geeska)- Dhibaatooyinka nolosha casriga ah ku ladhan ee sida aadka ah dunida maanta looga cawdo waxaa ka mid ah waqtiga oo u muuqda in uu ku socdo xawaare aad uga badan intii hore looga filanayey. Marka laga tago mashquulka hawlaha adduun oo sii badanaya waxaa jira arrimo kale oo loo tirinaya sababta waqtiga barakada ka qaadday. Qormadan uu Geeska Afrika turjumay ayaa wargeyska La Croix oo ka soo baxa dalka Faransiisku uu isku dayaa in uu soo bandhigo xalka ugu habboon ee qofku uga taxaddari karo in waqtigu dhaqso ku dhaafo isaga oo aan ka faa’idaysan.

Jean Claude Bailey oo ah agaasimaha fulinta shirkadda Inbox oo ka hadlayey sababaha ay la tahay in uu dadka waqti badani macno darro kaga lumo, ayaa sheegay in baraha xidhiidhka bulshada ee internet ka iyo dadka oo inta badan ku mashquulaha xiisaha xogaha sida dhaqsaha ah iskaga soo daba dhaca keenana jawaabo laga bixiyaa ay yihiin waxyaabaha ugu badan ee qofka ku keena in waqtigu macno darro ku dhaafo. Bailey waxa uu sheegay in marka uu qofku waqtigiisa ku qaato fikir, falanqayn, in uu waayaha iyo duruufaha khuseeyo falanqeeyo iyo go’aan qaadasho uu dareemayo in aanu waqtigaasi macno darro ku dhaafin, balse waxa ay u dhowdahayba in uu dareemo niyadwanaag iyo farxad ah in waqtigii uu ka faa’idaystay.

Waxaa isaguna fikir kan ku dhow qaba Bertrand oo ah agaasimaha shirkadda Time Winner International Express, waxa anau sheegay in horumarka tiknoolajiyadda laga sameeyey uu dunida ku keenay waqti lumis badan, isaga oo arrintaas dadka kala talinayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan qof kasta kula talinayaa in uu mustaqbalkiisa si run ah uga fikiro, oo uu raaco tubta saxda ah, isaga oo waqtigiisa u qaybinaya mid uu qoyskiisa la qaato iyo mid u shaqeeyo, kana fogaanaya in uu ku dhex qarqoomo badweynta tiknoolajiyadda”

Agaasimaha fulinta shirkadda caymiska ee CNB Mudane Frederick Lavonier oo isna fikirka masuuliyiintaas hore la qaba ayaa sheegay in ku mashquulista baraha bulshada iyo guud ahaan tiknoolajiyaddu uu caqabad ku yahay waqtiga uu qofku uga faa’idaysan lahaa shaqada iyo la joogista qoyska. Isaga oo arrimahaas ka sii hadlayana waxa uu ku taliyey in qofku marka uu shaqada dhammeeyo iyo waqtiyada uu fasaxa yahay uu iska dembiyo talefanka casriga ah iyo aaladaha la mid ah, “Ha isticmaalo talefanka ku hadalka oo keliya loo isticmaali karo ee aan internet looga faa’idaysan karin, si uu arrimaha muhiimka ah oo keliya ugu isticmaalo” Lavonier waxa uu sheegay in qofka taladaas qaataa uu si cad u dareemi doono sida aanu waqtigu macnodarro ugu dhaafay, ugana faa’idaysto shaqadiisa iyo noloshiisa qoys iyo bulsho labadaba.

Saacadaha iyo waqtigu waa tiro go’an oo aan korodh iyo dhinnaanshiyo midna samayn, waxa se jira dareen innagu abuuran oo ah in hadba sida aynu uga faa’idaysannaa ina dareensiiso xawaaraha uu waqtigaasi ku socday, tusaale ahaan maalinta aad hawlihii kuu qorshaysnaa si fiican u dhamaystirto dano badan oo aad lahayna wanaajiso waxa aad dareemaysaa in waqtigu ku sugayey si ka duwan maalinta adiga oo aan waxba qabsan ama internet ka iyo baraha bulshada ku mashquulsanaa ku dhaafta, oo aad dareemayso in saacaddu maalintaas dheeraynaysay. Sida ugu habboon ee uu qofku arrintaas kaga taxaddari karaana waa in marka uu waagu beryo uu qorsheeyo waxa uu maalintaas oo dhan qabanayo, si aanu firaaqo ugu helin macno darrada baraha bulshada iyo ku maarrarowga tiknoolajiyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here